Al-Shabaab Oo Ka Carartay Galgaduud
Guriceel – GMN - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay ka baxaday meelo badan oo kamid ah gobalkaas
Kadib markii ay Ciidanka Itioobiya tageen magaalada Guriceel ayey Al shabab bilaabeen in ay isaga baxaan gobalka gaar ahaan magaaloyinkii ay ku sugnayeen
Meelaha ay Al shabab ka baxeen waxaa kamid ah “Ceel-garas,Ceela-helay iyo Ceel –qooxle oo dhaman hoostaga dagmada Ceelbuur
Wararka qaar ayaa sheegay in ay xitaa ka baxeen dagmada Ceelbuur laakin lama hubo midaas
Ahlu Sunna ayaa sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ku wajahan yihiin goobaha ay Al shabab ka joogaan Galgaduud.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments