Jaaliyadda Virginia oo taageertay Maamulka Khaatumo

Jaaliyadda Virginia oo taageertay Maamulka Khaatumo iyo Wasiirkii gashaan dhiga DKM Ee Horey Oo Taageeray Maamulka Khaatumo( Sawiro)

Gedoonline

Marti Sharaftii Xaflada Taageerada Khaatumo State

Waxaa magaaladda Virginia ee Wadanka Maraykanka lagu qabtay xafladda balaaran oo lagu taageerayay maamul goboleedka Khaatumo State of Somalia. Xafladdan ayaa waxaa woo qaban qaabiyay jaaliyadda Khaatumo ee ku dhaqan magaaladda Virginia.

Mudane Abdixakiim Fiqi

xalfaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay dad Soomaalidda magac wayn ku dhex leh , horeyna uga soo shaqeeyey dowladdii hore Soomaaliya iyo dowladda DKM ee Federaalka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga DKMG  mudane Abdikariim Fiqi  ayaa qudbad qiimo badan ka jeediyay xafladan. Mudane Abdixakiim Fiqi, ayaa wuxuu ka hadlay midnimadda Soomaaliya iyo sidda quruxda badan ee maamulka Khaatumo State loo dhisay.

Wasiir ku xigeen Arimaha Dibada Maamulka Khaatumo Farduus M. Mirr

Wasiir ku xigeen Arimaha Dibada Maamulka Khaatumo Farduus M. Mirre oo safar u soo gashay in ay xafladda kala qayb qaadato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Virginia ayaa ka warbixisay sidda loo dhisay maamulka Khaatumo iyo waxa uu u taagan yahay maamulka Khaatumo. Waxaa ka hadlay xafladdan mudane Ambassador Maxamed Garaad oo horey u ahaan jiray safiir, mudane Maxamed Garaad ayaa aad ugu tahniyadeeyay dadka iyo maamulka Khaatumo.
Mudane Abdixamiid Islaam oo ka soo jeedda Gobolka Mudug ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ka hadlay xafladda taageeradda maamulka Khaatumo, Mudane Abdixamiid Islam oo aan hadaladiisa qiimaha badan inta ku soo koobi karin ayaa ka hadlay taariikha dadka ka soo jeeda Khaatumo State in ay yihiin dad jecel qaranimada Somaliya,halgan dheerna u soo galay xornimadda iyo midnimadda Soomaaliya ilaa xilligii gumaystaha, Mudane Abdixamiid ayaa ka waray In dadka reer khaatumo ay wax ka dhiseen maamulka Puntland Haddana ay karti iyo awoodba ay u leeyihiin in ay dhistaan maamul u gooni ah.

 

Professor libaan Cabdilaahi Cigaal

Professor libaan Cabdilaahi Cigaal oo soo dhoweeyey maamulka Khatumo State, mar hadii dowladahii TFG-da ee dusha laga soo dhisay waxqabad badan muujin waayeen, waa lagama maarmaan in maamulka hoosta laga soo dhiso ayadoo la baadigoobayo deris wanaag iyo nabad waarta. Prof. Liban Cabdullahi  wuxuu kula taliyey maamulka cusub si aay uga baxaan dib dhicii ku yimid labaatankii sano la soo dhaafay in aay kalsoonida lumin ayagoo ku dadaalaya siday u xoojin lahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha, adeegga bulshada sida caafimaadka, iskuulada, ceelasha, korantada iyo goobaha caddalada., Sidoo kale Khaatumo State waa inaay xoog ku bixisaa isu keenida ummadda Soomaaliyeed iyo dib u dhiska qarankii burburay. Dadkii kale ee ka hadlay xafladaan waxaa ka mid ahaa; Mudane Xassan Warsame, Mudane General Maxamed Cali Abukar

Jaaliyadda seddex geesoodka ah ee Virginia, Maryland iyo Washington ee Khaatumo ee kor ku xusan ayaa qayb weyn ku leh halganka iyo dhismaha maamul goboleedka Khaatumo, Waxaa ka mid ah dadka degaanka magaalooyinka ee ka qayb qaatay halgankii dhisidda maamulka Khaatumo mudane Xassan Cali Cawl Yuusuf oo ahaa Gudoomiyihii G15 ee konton iyo shan magaalo ama tuulo safar ku maray iyagoo u kuur galayay xaaladda degaanadda SSC, Mudane Xassan ayaa qayb weyn ku lahaa qaban qaabaddii shirkii khaatumo II ee lagu qabtay magaaladda Taleex, Mudane Xassan ayaa ilaa iyo haddana la shaqeeya maamulka Khaatumo kana shaqeeya wadanka gudihiisa.
Waxaa kaloo ka soo jeedda degaankaas mudane Cali Ciise Cabdi oo ahaa maskaxaddii ka danbaysay dhisiddii maamulka Khaatumo. Mudane Cali Ciise Cabdi ayaa wuxuu u galay safaro aan tiro lagu koobi karin in uu ka shaqeeyo maslaxadda iyo midnimadda dadka reer SSC, Siddoo kale Cali Ciise Cabdi iyo raggii kale ee la shaqaynayay ee G6 iyo G9 ayaa waxaa la oran karaa waa raggii guusha ka keeney in caalamka iyo dowladda Federelka soo dhaweeyaan Maamulka Khaatumo.

Waxaa xafladdan wacdaro ka muujiyay faanaaniinta reer Minnesota iyo dhalinyarradda reer Ohio oo riwaayadda u soo ban dhigay oo safar u soo galay inay ka qayb galaan xafladda Khaatumo State of Somalia.

 

 

Najiib Maxamed Shiino

Roda Xassan Cali

Virginia, USA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event