Midowga Yurub Oo Diyaarado Dagaal Usoo Iibsaday La Dagaalanka Burcad-Badeeda

GMN - Midowga Yurub xafiiskiisa Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa warbixin uu soo saaray waxaa markii ugu horeysay lagu sheegay in iyadoo la xoojinayo howlgalkaasi ciidamadiisu adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha lahayn.

“Ilaa shan diyaaradood ayuu Midowga Yurub soo iibsaday, kuwaasi oo lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka Midowga Yurub oo sheegay in howlgalada lagula dagaalamayo burcadbadeeda Soomaaliya la casriyeynayo si loo hakiyo khatarta sii kordheysa ee uga imaaneysa maraakiibta isaga gooshta biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Atlanta oo u waramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in diyaaradaha Drone-ka ee aan duuliyaha lahayn oo keligood is wada ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee afduubka ka geysanaya biyaha caalamiga ah iyo dalalka caalamka qaarkood.

Waxaa kale oo uu sheegay in diyaaradaha keligood is wada ay macluumaad ka soo gudbinayaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad badeeda ah, bacdamaa xeebta dheer ee badweynta Hindiya ay tahay mid aad u ballaaran oo ciidamada aanay awood u lahayn inay geeyaan maraakiib fara badan.

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay kontoroolayaan doomaha iyo maraakiibta sida hubka sharci darrada ah ee gacanta u gelaya kooxaha Al-Qaacidada ku sugan wadanka Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Ururka Midowga Yurub oo xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed ay ka joogaan ciidamo iyo maraakiib la dagaalameysa burcad badeed ayaa tallaabadan ay ku adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay noqoneysaa midii ugu horeysay oo wax ka tareysa afduubka loo geysto maraakiibta caalamka iyo hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya la geynayo.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event