Maraykanka Oo Warbixin Cusub Kasoo Saaray La Dagaalanka Argagixisada

GMN - Wargeyska the China Daily ayaa ka waramaya istatiijiyadaha cusub ee Dowladda Mareykanka ee sanadkan ee maalmaha oo qura inaga xigaan ee 2012 ka.

Wargeysku waxaa uu sheegay in xukumada Washington ay wax ka badashay dagaalka ka dhanka ah aragagixisada caalamka oo loogu magacdaray America war on terror.

Tan iyo wixii ka dambeyay dilkii hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee Cusaama Bin Ladin dowlada Mareykanku waxay sameysay isbadalo dhinaca siyaasada ah oo ku wajahan ladagaalanka argagixisada caalamiga ah.

Dowlada Mareykanku waxaa ay ku dhowaaqday in ay saldhigyo milatari ay ka furaneyso dalalka ku yaala gobolka Geeska Africa oo ay aad ugu badanyihiin dagaalyahanada Alshabaab oo sheegtay in ay xariir la leeyihiin ururka Alqaacida.

Gabagabada sanadkan cusub dowlada Mareykanku waxaa ay bilowday in ay kala baxdo ciidamadeeda milatariga ah eek u sugnaa wadanka Ciraaq kadib sagaal sanadood oo halkaasi ay ku sugnaayeen.

Sarkaal ka tirsan wasaarada gaashandhiga ee dowlada Mareykanka ayaa sheegay in dowlada Marekanku ay bartilmaamedkeeda u wareejin doonto dalalka Somaliya Yemen iyo gobo kale oo la mida, hase ahaatee taasi badalkeeda uu soo gabagabenayo howlagaladii Mareykanku ku weeraray wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan kuwaas oo wali aan guulo lataabankaro ka gaarin Mareykanku, Madaxweyne Barack Obama ayaa aad u soo dhoweeyay dilkii Cusaama Bin Ladin oo ahaa hogaamiyihii ururka Alqaacida, sidoo kale dowlada Mareykanku waxaa ay taageertay dagaalka dowlad Kenya ay kula jirto xarakada Alshabaab.

Generalka ugu sareeya ciidamad Mareykanka mr Liyon Beneta oo booqday bilowgii bishan December saldhig weyn oo ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin wadanka Jabuuti ayaa sheegay in dowlada Mareykanku ay wax waliba u huresyo difaaca nabadgalyada caalamka oo dhan sida uu hadalka u dhigay isagoona kulamo la qaatay askarta iyo saarakiisha hogaamisa eek u sugan saldhiga milatari ee Mareykanku ku leeyahay wadanka Jabuuti.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event