Duqeymo markale lagu garaacay Baardheere

Baardheere(GMN)-Diyaaradaha nooca Miiga ah ayaa lagu soo waramayaa in duqeymo xaga cirka ah ay ka fuliyeen maanta oo sabti ah gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ilaa Sedax Gantaal ayaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay gudaha degmadaasi oo ay ka arimiyaan Ururka Shabaab.

Mid ka mid ah Gantaalaha ayaa waxa uu ku dhacay goob isbitaal ah oo ay maamusho Hay’ada bisha cas isla markaana ;lagu daweynayey Caruur

Gantaal kale ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan inuu ku dhacay goob iskuula ah oo hase ahaate xiligaasi aysan ku sugneyn wax arday ah

Goob joogiyaal ku sugan Baardheere oo Gedo Online la hadlay ayaa sheegay in gantaalka kale uu ku dhacay xero ay ku tababaranayeen Ciidamada Kooxda shabaab.

War laga sii daayey idaacad ku hadasha Afka shabaabka ayaa lagu baahiyey in diyaaradaasi ay beegsadeen keliya goobo ay ku sugnayeen dad rayid ah isla markaana aysan jirin in lagaraacay xero ay ku jireen shabaab.

Ilaa hada lama oga qasaare ka dhashay duqeynta markale ka dhacday degmada Baardheere oo ka mid ah magaalooyin Kenya ay hore u calamadeysay in duqeynayso.

Maalmo ka hor ayaa sidan oo kale waxa duqeymo ay ugu dhaceen degmada Baardheere waxana duqeyntani ay noqonaysaa tii labaad oo ka dhacda Baardheere

Gedo Online News

Gedoonlinenerws@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event