Kibaki:-hala taageero nabada soomaaliya

Bujanbura(GMN)-Madaxweynaha Dalka Kenya Muwi Kibaki oo ka qeyb galaya  kulan Bujanbuura ay ku leeyihiin wadamada Bariga Afrika ayaa sheegay in wadamada caalamka loogu baahan yahay inay ka qeyb qaataan nabada soomaaliya

Madaxweynaha  dalka kenya ayaa sheegay in Midowga Afrika uu dadaal xoogan ugu jiro sidii soomaaliya ay nabad ugu dhalan laheyn isagoona tusaale u soo qaatay ciidamada nabada ilaalinta AMISOM oo howlgal ka wada soomaaliya

Kibaki ayaa soo hadal qaaday inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada uu wadankiisa ka helay oo ku aadan in howlgalo ay ka sameyaan soomaaliya si ay xidida ugu siibaan Ururka Shabaab,

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamadiisa ay sii wadi doonaan  dagaalka ay shabaab kaga cirib tirayaan Soomaaliya si  buu yiri shabaab aysan qatar ugu noqon wadamada Geeska Afrika

Kibaki ayaa carabka ku dhuftay in soomaaliya ay ku sugan yihiin ururo argagixiso ah isla markaan aduunyada loogu fadhiyo in arimahaasi wax laga qabto si soomaaliya ay xasilooni ugu dhalato

Ciidamada dalka Kenya ayaa howlgalo waxa ay ka wadaan gobolada Jubooyinka iyo gedo halkaasi oo marar badan ay kula dagalameen ururka shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolada ay  dagaaladu ay ka socdaan.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event