Shabaab ku geeriyooday Qarax ay farsameynayeen.
Buulaburde(GMN)-Saldhig ay ku farsameynayeen Ururka Shabaab waxyaabaha qarxa ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay ku dhibteen saraakiil ka tirsan ururkaasi gudaha degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka buula burde ayaa sheehay in qarax aad u weyn laga maqlay saldhiga degmada buule burde halkaasi oo ay shabaab ku farsmeynayaan waxyaabaha qarxa.
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Buula burde ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 15-saraakiil shabaab ah oo isugu jira kuwii farsmada ku jiray iyo kuwa ku sugnaa gudaha saldhiga.
Ciidamada Shabaab ayaa soo gaaray halka ay wax ka dhaceen waxa ayna dadweynaha ku amren in aan loo soo dhawaan saldhiga ay wax ka dhaceen.
Saraakiisha Shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa wali ka hadlin dhacdadani ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan shabaab oo farsameynayey waxyaabaha qarxa.
Marar badan ayaa sidan oo kale waxaa saldhiyo shabaab ay leeyihiin ay ka dhaceen qaraxyo kuwaas oo ay ku dhinteen ciidamo shabaab ka tirsanaa oo ku guda jiray farsameynya waxyaabaha qarxa.
Gedo Onlie News
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments