Kenya oo sheegtay in hawlgalada ay Soomaaliya ka wado taageero uga heshay Midawga Africa iyo dawlada Ethiopia
Nairobi-GMN-Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Kenya Moses Wetangula oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi kadib safar kooban oo uu ku tagay magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethtiopia ayaa waxaa uu sheegay inuu ururka midawga Africa iyo dawlada Ethiopia taageero uga helay hawlgalada ay Soomaaliya ka wadaan ee ay kula dagaalamayaan Xarakadda Al-Shabab
Moses Wetangula waxaa uu warbaahinta u sheegay inuu magaalada Addis-Ababa kula kulmay gudoomiyaha ururka Midawga Africa Jean Ping oo uu sheegay inuu si buuxda ugu taageeray inay la dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab sida uu hadalka u dhigay waxaana uu intaa ku daray inay wadaan isku daygooda ku aadan inay soo furtaan lahaytayaasha lagu haysto deegaanada Shababku maamulaan
“Ururka Midawga Africa si buuxda ayuu u garab istaagay qorshaha aanu amaankeena ku suganayno iyo hawlgalada aanu gudaha Soomaaliya ka wadno arrintaasna madaxda Midawga Africa waan isku raacnay” ayuu ku yiri shirka jaraa’ed ee uu qabtay wasiirka arrimaha dibbadda Kenya
Sidoo kale wasiirku waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inuu magaalada Addis-Ababa kula kulmay R/wasaaraha Ethiopia Meles Zenawe uu ku taageeray qorshaha amaan sugida ah ee ay gudaha Soomaaliya ka wadaan
Watangula waxaa uu tilmaamay in Meles u riyaaqay sida ay hawlgaladu u socdaan isla markaana ay ku sugayaan amaanka dadka ajaanibta ah ee Kenya taga dalxiiska iyo gar gaarka bini’aadanimada
Dhanka kalena afhayeenka wasaaradda difaaca dalka Kenya Maj Emmanual Chichir ayaa sheegay inay diyaaradooda dagaalka duqeymo ka geysteen deegaano hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose
Afhayeenku waxaa uu sheegay inay bartilmaameysteen deegaano ay ku sugnaayeen Xarakadda Al-Shabab
Xubnaha dawlada Kenya ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay hawlgalada ay ciidamadooda ka wadaan Soomaaliya iyagoona qaarkoodna ay sheegeen inaysan jirin wax ciidamo ah oo gudaha Soomaaliya ku sugan
Gedo Onlnine News
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments