Reysulwasaare Gaas oo Ku Wajahan Mareekanka
Muqdisho-GMN-Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Reysul Wasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya oo Shirjara id Maanta Ku qabtay Garoonka Magaalada Muqdisho ee Adan Cadde ayaa Sheegay in Safarkiisa uu ku wajahan yahay Magaalada Newyork ee wadanka Mareekabka.
Gaas ayaa sheegay in halkaasi ugu qeyb gali doono shir qaramada midoobay ay soo qaban qaabsisay kaa 14-ka Bishan ka furamay magaalada Newyork.
Reyulwaasaraha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in shirka uu ka jeedin doono waxqabadka Xukuumada iyo Macluusha ka taagan Dalka Soomaaliya.
Reysul wasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan gaarin Magaalada Newyork waxaa la filayaa inuu kulan Magaalada Nairobi uu kula qaato Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada oo halkaasi ku sugan.
Gedo Online News


Recent Comments