Muqdisho: Gaari walxaha qarxa ka buuxaan oo la qabtay iyo qaraxyo xalay dhacay.
Muqdisho-(GMN) Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegay inay qabteen Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la dhigay inta u dhaxaysa Wada KM-4 iyo wadada dheer ee aada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade Air-port ayadoona xalay ay Muqdisho ka dhaceen dhowr qarax oo is xig xiga.
G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo ah Afhayeenka ciidanka Booliiska dowladda ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay in gaariga ay qabteen uu ahaa nooca Raaxada isagoona sheegay in gaarigaasi la qabtay xili ay ka buuxeen walxaha qarxa isagoo markaasi lasoo dhigay meel aad mashquul u ah .
Khaliif Ereg oo ah Sargaal u hadlay Nabada sugadda dowladda ayaa waxaa uu isagana sheegay in gaariga meesha lasoo dhigay la doonayay in lagu qarxiyo Wafdi carbeed oo shalay Muqdisho soo gaaray,hasyeeshee ay soo wargaliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugidda ayna u suura gashay inay fashiliyaan weerarkaasi.
Gaashaanle sare Bariise ayaa in isagu dhankiisa uu weerarkan Fashilmay uu oga shakisanyahay kooxda Al shabaab, laakiin Al shabaab wali wax war ah kama aysan soo raasin arintaasi.
“Baabuurka aad ayaa loo qalabeeyay waxaana waxyaabaha ku xiran ka mid ahaa taleefoon loo adeegsan lahaa in gaariga lagu qarxiyo. Dhammaan qalabkii waan ka furmay gaariga innaga ayaana gacanta ku hayna baabuurkii,” ayuu yiri Gaashaanle sare Bariise”
Geesta kalena qaraxyo is xig xigay ayaa waxaa ay xalay kala dhaceen Degmooyinka Xamarjajab,Dharkeynley iyo Wadajir kuwaasoo la xaqiijiyay in lagu weeraray Saraakiil dowladda ka tirsan.
Cali Xirsi Barre (Cali Gaab oo ah Taliyaha bartamaha Xamar ee booliiska gobolka Banaadir in werarada Xalayq aybo Muqdisho kamid ah ka dhacay ay ka dambeeyay waxa uu ku sheegay Xooxo xariir la leh Al shabaab.
Gedoonlin News
Muqdisho-Somalia
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments