Jaamacada Muqdisho oo dad baahan deeq gaariiisay +Sawiro
Saved under Latest News, Waxbarashada
Muqdisho-(GMN) Guddiga gurmad abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ayaa gaarsiiyay barakacayaal ku jira xeryaha magaalada Muqdisho deeq isugu jirtay bur, bariis, caano, timir, saliid, dhar iyo daawo. Deeqdan oo ahayd mid ay iska soo ururiyeen ardayda, macallimiinta, maamulka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa qaarkood, kuwaasoo dhibka haysata walaalahooda Soomaaliyeed ka damqaday.
Gargaarkan ayaa waxaa dadkii dhibaateysanaa u qaybiyay xubno uu ka mid ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, wuxuuna sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay ku caawinayaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
“Jaamacadda Muqdisho waxay garowsatay inaysan ka aamusi karin dhibka ku habsaday ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kala gaabiyeen cudurro iyo gaajo isbiirsaday, wuxuuna tusaalooyin u soo qaatay Aayado Qur’aan iyo Axaadiis.
Dadkii gargaarka ka faa’iideystay oo tiradoodu ahayd 500-qoys ayaa waxay si aad ah u soo dhaweeyeen deeqda ay jaamacadda Muqdisho guddoonsiisay iyagoo xusay in gargaarkan ay aad ugu baahnaayeen.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo kuwa gudaha ku sugan inay caawiyaan walaalahooda dhibku ku dhacay, isagoo sheegay in qof walba ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu caawiyo walaalkiisa dhibaateysan.
“Qofkii la raba ilmihiisa sharaf inay ku noolaadaan – ha sharfo ilama kale ee u baahan kaalmada,” ayuu Dr. Cali Sheekh yiri intii ay socotay bixinta gargaarkii ay ku deeqday Jaamacadda Muqdisho barakacayaasha abaaraha. Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay gargaarkan ayaa waxaa ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo uu wakiil ka ahaa ahaa Ibraahim Sheekh Bashiir iyo xarumo ay ka mid yihiin Access for support and development center oo London ku taalla, East Africa Education and Devemlopment, Somali new generation oo Holland ku taalla iyo qaar ka kale oo fara badan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ay gargaar bani’aadamnimo u qaybiyaan barakacayaasha ku sugan Muqdisho, waxaana sidoo kale uu guddoomiyaha jaamacadda iyo wafdi ka socday ay 1,000 qoys gargaar ugu soo qaybiyeen xerooyinka qoxootiga ee Dhadhaab – dalka Kenya iyadoo la kaashatay
hay’ado caalami ah.
C/naasir Yusuf Macalin
Muqdisho-Somalia
Gedoonlinenews@gmail.com
Related posts:
- Jaamacada Muqdishoo oo deeq Gaarsiisay Dadka abaartu kicisay +Sawiro
- Jamciyadda gargaarka ee Sayib oo Deeq gaarsiisay barakacayaashii abaaraha Muqdisho+ Sawiro
- Jaamacada Muqdisho Oo Baaq Diraysa
- Imtixaanaadkii Jaamacada Muqdisho Oo Soo Gabogaboobay(Sawiro)
- Arday ka qalinjabisay jaamacada Kismaayo (Sawiro)


Recent Comments