Tiro Caruur ah oo Macaluul ugu geeriyootay xeryaha Barakacayaasha Muqdisho.
Muqdisho-(GMN) Tiro Caruur ayaa Saacadihii ugu dambeeyay Macluu iyo aafimaad daro ugu geeriyootay qaar kamid ah xeryaha ay ku jiraa dadka Barakacayaasha ee Magalaada Muqdisho kuwaaso tiradoda gaarayso ilaa Tobaneeyo.
Caruurtan ayaa ku geeriyootay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay caruurtu adegyada caafimaadka ku qaadanayeen,waxaana caruurtu ay inta badan u geeriyoodeen Xanuunada Jadeecada,Shuiba biyood iyo Nafaqo daro.
Caruurta cuduradaan u geeriyootay ayaa da’aadoodu waxaa ay u dhaxaysaa Todobo sano jir,Sadex Sano jir,ayadoona caruurtaasi geeriyootay uu ku jiray cunug dhalanaa Todobo bilood oo qura.
Xaalada caruurta Barakacayaasha ayaa xligaan ah mid aad u liidato ayadoona Maalin kasta ay xaalado caafimaad daro u geeroyoodaan caafimaad daro iyo nafaqo daro,taasoo keentay in hay’ada Qaramada midoobay ay aad oga walacdo xaalada Caruurta Somalia.
Gedoonline News
Muqdisho-Somalia
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments