Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray
Mogadishu (GMN) - Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow oo saakay ah ka degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa wafdiga Madaxweynaha ku soo dhoweeyay garoonka Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sh. Axmed iyo xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, iyadoo si heer qaran ah loogu soo dhoweeyay Muqdisho Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah markii ugu horeysay ee uu Muqdisho yimaado tan iyo markii loo caleema saaray xilka Madaxweynenimo.
Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa loo galbiyay goobaha ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay iyo kaamamka waaweyn ee Muqdisho ku yaal si uu indhahiisa ugu soo arko macluusha iyo gaajada dadkaasi ay la il daran yihiin.
Ujeedada safarka geelle ayaa u muuqata mid uu caalamka ugu soo bandhigayo dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho iyo sida looga baahan yahay iney kaalin ka qaataan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Ka hor inta uusan Madaxweynaha soo degin waxaa la xeray gebi ahaanba wadooyinka gala garoonka diyaaraddaha waxaana la hakiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka si loo xoojiyo amaanka wadooyinka ay marayaan wafdiga.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments