Qaramada midobay iyo Masar oo sheegay inay dhex-dhexaadin doonaan dowlada KMG iy Al shabbab
QM-(GMN) Kulan ay maanta magaalada Qahira ee xarnta dalka Masar ay kuwada yeesheen Wasiirka armaha dibada dalka Masar iyo Maxamed Kaamil Cumar iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa waxaa looga hadlay armaha dalka ay colaaduhu daashadeen ee Somalia, ayadoona kulankaasi inta badan looga hadlay sida loo dhamayn karo khilaafka u dhaxeeyo dhinacyada isku haya siyaasada Somalia.
Wasiirka armaha dibada dowlada Masar ayaa waxaa uu Augustine Mahiga u sheegay in dowlada Masar ay wado dadaalo ay ku doonayso inay ku wada hadalsiisyo dowlada KMG ah eeSomaliaiyo Al shabbab.
‘Dowladda Masar waxay ku dedaalaysaa sidii ay wadahal isugu keeni lahayd dhammaan dhinacyada Soomaaliya oo ay ku jiraan kooxaha iska soo horjeeda, loona dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya dhinacyadaasi” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo intaas ku daray in ay wadaan qorshe lagu kulansiinayo Soomaalida is diidan kaasoo uu sheegay inay ka qeyb galayaan dhammaan dhinacyada Soomaalida oo dhan
Wasiirka arimaha dibada Masar ayaa raja wanagsan ka mujiyay inay isk keenaan inay isk keenaan labaa dhinac ee isk hayaSomalia
Xafiiska wararka
Gedooinline News
Mqdisho-Somalia



Recent Comments