Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho gaaray +Sawiro
Muqdisho-(GMN) Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta waxaa uu la kulmay Mudane Erastus Mwencha, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Midowga Afrika iyo Mudane WafulaWamunyinyi, iyo taliyaha ciidamda Midowga Afrika Jeneraal Fred Mungisha .
Kulaankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Jamhuuriyada Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Gudoomiyaha Barlamaanka mudane Sharif Xassan Sh. Adan yio Raisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiweli Maxamed Cali.
Waxaa looga hadlay kulankaas xaalada abaaraha,iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu gargaaari lahaa. Waxaa kale oo looga hadlay howlaha amniga lagu sugayo ee ka soconayo Koonfurta Soomaaliya oo ay ka wadaan ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo kaashanayo Midowga Africa.
Madaxweynaha ayaa ku wargeliyay wafdiga ka socday Midowga Afrika in ay Al-Shabaab lasoo afjari doon mardhaw, kuwaas uu ku tilmaamay in uu waqtigoodi dhamaaday.
Madaxweynaha ayaa sheegay ugu danbeyntii in Soomaaliya sida ugu dhaqasaha badan wax looga qabto Waxaqabaashadaasna ay dowladda hormuuud ka noqoto ha ahaato mid Biniaadanimo ama mid amni.
Malik Abdalla
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Gedoonlinenews@gmail.com




Recent Comments