Gabay: INTA LABO SHARIIF TALINAYAAN—SEEGNEY SHARAFTII EH.
Gabay-(GMN) Kadib markaan arkey mushkilada adag oo uu ku sugan yahay dadkii iyo dalkeenii hooyo,iyo ismari waaga siyaasadeed ee caadada u noqotey masuuliyiinta soomaaliyeed iyo muranka joogtaada oo dhaliyey is mari waa baahsan oo ku salaysan dano gaara oo ay leeyahiin shaqsiyaad kamid ah masuuliyiinta iyo urura diimeedka soomaaliyeed ayaan doorbidey inaan sameeyo,gabaygan la magac baxay(Inta labo shariif talinayaan–Seegnay sharaftii eh),Taasoon ku cabiraayo aragtideyda ku aadan masuuliyiinta iyo kooxa diimeedka aan lahayn dareenka naxa,oo aad moodo inayba moog yahiin ilxumada iyo balanbalka lasoo darsey dadkii iyo dalkii som-hadeey noqon lahayd colaadaha,abaaraha,iyo qaran la,aanta mudada 21-ka sanaa saameeyey dalkoodii hooyo,,
(Alloow sahal amuuraha–adaa saadiroow jira eh). Waxaanan gabaygeyga ku bilaabey..
1- Shiikh iyo wadaad caalimoo—Laga shafeecaysto
2- Shacabkiisu ay jecel yahiin—Sharaf u haayaanba
3- Oo Shaatiguu doono xiran—Shaacir aan noqonin
4- Shar waliyo siyaasaba ahayn—ama Shahiid caanah
5- U sharaxan masuul doonin iyo—Shirar la oogaaba
6- Shaar shaari culumaan aqoon—Dawlad lala showro
7- Ku ekaa inuu sheego diin—Shaqal xadiiseedka
8- Noqde kuwa shuruudaa ka baxay—Sharadkey qaadeene
9- Shidadiyo dhibkii sii hurshoo—Waa sharwadayaale
10- Shaal iyo cimaamado xirtoo—Dage shax diineede
11- Shiikhyadi hadii ay Suniyo—ama shabaab sheegtey
12- Waa shahiid dhaheen kii kan kale—Shiisha oo dila eh
13- Sharaf iyo amaan dirirta ba,an—shiikhu dilalkiiye
14- Shaki geliye diintii kuwaas—Shaahid aan aragney
15- Shacabkii siduu eed galeey—Kala shakaaleen eh
16- Shiikhdiyo wadaadadi hadey—Ina Shiqooleena
17- Shufto iyo hadii ay noqdeen—Sidii Shalay midkii joogey
18- Hadba shaati yey xiran horloo—Yey shax noo dagine
19- Oo noqon shufeer gaari wada—Saartey shacabkii eh
20- INTA LABO SHARIIF TALINAYAAN—SEEGNEY SHARAFTII EH….
21- Nin shaxaad qaranki siistey iyo Xoogaa shilimaada
22- Shidadiyo dhibkoo sii socdaa—Kaba shalaayeynin
23- Shan shadii dadkiisii jabshoo—Laga shidaal qaato
24- Shidoo damalo waaweyn hurshoo—Shumaca sii daara
25- Sharcigiyo dastuurkii jabshiyo—ama sharuud xeera
26- Inuu cadow la sheekaysto jecel—Shoowrkod doorbidana
27- Shacabkii ildaranyoo abaar—Sheeda uba taalo
28- Shabaabkiyo kuwaan dawladnimo—Sheegan oo aragnay
29- Qoysaskaan dabkii shidan mudiyo—Shicibkan gaajaysan
30- Masuulkeey shinsanayeen ahoo—ama shariifkoodi
31- Oo masheexayaal dhoohanoo—Shabaqa noo daadsan
32- Dusheenii ku dhigayaa shaxdiyo—Shirarka hoos hoose
33- Shanshadii dadkii wada jabshoo—Sharatamaayaana
34- Gargaarkii dunidu shaaciyeen—wada shirqoolaaya
35- Si shaxaad yar uga soo haroo—Shilin helaan gaara
36- Oo Shirib mahiigiyo u tuman—Kuwo shiyaadiin ah
37- Shan duleel markuu labo hantiyo—Sheer u helo Bowden
38- Shixnadii la qaybqaybsadoo—Shaacir kala qaato
39- Iyo ismoog shacabki aan mudada—Shidan dabkoodii eh
40- INTA LABO SHARIIF TALINAYAAN—SEEGNAY SHARAFTII EH….
41- Shisheeyuhu haduu helo masuul—Aqligu shuban yahoo liito
42- Jecelaa shahaadiyo an sidan—ama aqoon shaacsan
43- Ku qancaa shaxaad iyo hadii—Shaah un loo shubo eh
44- Laaluush shifeystaa hadii—Lalaba showraa eh
45- Shafka inuu tumaa aan aqoon—Amaba sheexaa eh
46- Hadii qaado shilimaad la dhaho—Shaati loo geliyo
47- Shib masuulki doorbida hadana—Gala sharuud gaara
48- Shaxda jecel lugooyada ahoo—Loo dagaa shacabka
49- Shaki dowladii gelin markey—Shaac baxdoo socoto
50- Shan bilood furfuri oo midkale—Golaheed shaandheynin
51- Hantideey shisheeyaha dhigteen—Si aanba loo sheegin
52- Shixnadii la xadey duunyadii—Xiri shiraaceeda
53- Daaraha maleeshiya sharaxan—ama Dubia Shaacsan
54- Shilin ay iyagu leeyahiin—Labo shariif maahan
55- Waa dhuuxi shacabkiyo dadkiyo—Laga shubtee maato
56- Waa shaag wareegaa aduun—Aan lahayn sharaf eh
57- Duunyadaad lahayd shalay marnaba—kala tageyn shay eh
58- Shimbir baalalkii qoyay ragoow—kama shisheeysaane
59- Shirkigaad gashaa aaqiraad—kaga shaleeyn uuneh
60- INTA LABO SHARIIF TALINAYAAN—SEEGNEY SHARAFTII EH.
ABWAAN—Durraan shirwac
London/UK
Gedoonlinenews@gmail.com


Gabay:
24/06/2011 @0100 AM
Shariifyaalka kuwii lagu sheegay iyo sheikha beentaahe
Shidda aan dhamaan iyo dagaal bey shacabkii geliyeenee
Shayaadiin madoow iyo caddaan beey la showreenee
Sharaftiyo dadnimaddiiba shalayteey ka guureenee
Shacabkiyo dadweynaha dantiis kama shaqeeyaanee
Shisheeyaha dalkiisiyo cadaw beey shirar u aadaanee
Shan shan beey u tuuraan madaafiic sharareysee
Shaki ugama jiro waa ogyahay shacabka la’ahaayee
Shilin buu ku iibsaday dalkiyo sharafti soomaalee
Shartiisaa ka badan haddii khayr mar lagu sheegee
Shabaabkaa run sheegayey markeey shaleyto diideenee
Shalaay beey ka joogaan wixii shalay la duubnaayee
Shakhsiyad xumada iyo liidashaada waa la muuqaayee
Shakligiisa guud baa na siray saalix loo moodee
Sheekooyin bow duuganaay waxaan la sheegeeynee
Shahiidoow Ilaaheey adaan waxba laguu sheegeeyn
Shaahid baad u tahayood arkee waxa an sheegaayee
Sharta nagu da’aysaa ka badan dhibicda roobkaahee
Shisheeyaha na haystaa ka badan shacabki soomaalee
Shabaab iyo shariifyaal ninwalbaa shulo keensadaye
Shacabkeey ka qaateen dhulkiiyoo la sheegteenee
Shah iyo dhib-badanaa maxaa nalaku soo shabiyay
Sharaftiyo dadnimaduba ragg waa shaabadiisiiyee
Shalay wixii ad weydeen berraa show la helayaayee
Shalaay iyo ha aadinina low hadalka sheydaanee
Shaakir Eebahay baa nalehe danta ha loo sheegtee
Shidda maalmaheedaa yaree sabarka kaalmeeystee
Shahru Ramadhaankaan badiya baryaha ilaaheeyee
Sharaf iyo inoow naga aqbalo shaakirkeey mudanee
Shabkax nooga siiyaa nassriya kheyr la soo shubaye
Shabaabkeena inow noo saxaa buu na sii karaayee
Shan karoone wiilakiyo gabdhaa rabbi ha noo keenee
Shiddadiyo dhibkaan soo marrana shey horuu tegaye
Shabshab iyo barwaaqada ku di’i shacabka soomaalee
Sheekha laga bilaabiyo warshiikh iyo shabeelooyin
Shidaalkiyo batrool iyo la shubo gas la shidahaayo
Shaabadda ta’ashiirada ku gala sida khaliijkiiyee
Shiddadiyo barwaaqadu ma aha shey nin leeyahaye
Shalay waa dhamaatoo berina waxba lagama sheegee