Khilaafka Labo Shariif oo ku hor gudban magacaabista Wasiirada +Xog
Muqdisho-(GMN) Mudo aad u yar aya aka dhiman waqtiga sida sharcigaa loogu talo galay in lagu soo magacaabo Golaha wasiirada ee Dowlada, waxaana mudo aad u dheer qaadatay kala duwaanaanshaha afkaaraha qalafsan ee labo Shariif kadib markii ay isku mari waayeen hananka loo soo xulayo wasiirada.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan waxay dhoowr jeer oo hore isku mari waayeen wasiiro la soo xulay oo laf ahaantooda ay qaybo ka keeneen, taas oo caqabad ku noqotay in raysul was are C/wali uu howshiisa si habsami leh u guto.
Hadaba magacaabista wasiirada oo ku xiran rabitaanka labo Shariif waxa uu waji gabax ku noqonayaa habkii ay dowladu howlaheeda u wadan lahayd, waxaana jaha wareer xoogan uu iminka la soo darsaday Raysul wasaare Gaas.
Ilo wareedyo ku dhow Raysul wasaare C/wali Max’ed Gaas, waxa uu mudo dhoowr jeer ah gudbiyay golo wasiiro oo uu tusay labada Shariif lakin mid walba kan kale ayuu ka dhex arkayaa golaha wasiirada, taas oo sida la warinayo, walaac ku abuurtay raysul wasaaraha cusub, oo ka walaacsan habka uu ula shaqeyn doono Wasiirada ay labo shariif doonayaan in lagu dhawaaqo.
Raysul wasaaraha ayaa la xaqiijinayaa in uu si cad ugu sheegay labo shariif in uu iska casilayo xilka hadii aysan jahawareerka ka dayn howsha isla marakaana aysan noqon dad is fahmi kara.
Wasaaradaha la isku mari la’yahay ayaa waxa ay kala yihin, Wasaarada, Maaliyada, Gaashaandhiga, Arimaha dibada, iyo Xariirka Caalamigaa.
Kulankii Mahiga iyo wafdigiis aay Muqdisho kula qaateen labo shariif, waxa uu yara baneeyay wado u Raysul wasaaruhu golahiisa wasiirada ku muujiyo cida ay noqonayaan, waxaana labo shariif laga raariday in ay ogoladaan in ay sii shaqeeyso dowladii Raysul wasarihii hore ee is casilay Max’ed C/laahi Farmaajo, taas oo ahayd 18 wasiir.
Waxaa jira warar isa soo taray aoo xusaya in golaha wasiirada loo dayn doono 18 laakin la samayn doono isku shaandhayn xoogan.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu raysul wasaare C/wali ku dhawaaqo wasiirada cusub, ee dowladiisa. Ayada oo dhanka kale laga yaabo in daqiiqada ugu danbaysa ay wax is badalikaraan, oo u umarkale saro kici karo qilaafka labo Shariif.
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments