Jabuuti Oo Ciidamo Keenaysa Muqdisho

Addis-Ababa (GMN) – Jamhuuriyadda aanu jaar-wadaagga nahay ee Jabuuti, ayaa markale ka shanqarisay in maalmaha soo socda ay Ciidamo xoog leh kusoo daadgureyn doonto caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Jabuuti oo ka qey galaayay kulankii madaxda Urur goboleedka IGD oo ka dhacay Magaalada Adisabab ee xarunta dalka Itopia shalay Galinkii dambe ayaa waxa ay kulankaasi ku balan qaadeen in si deg deg ah ay Soomaaliya ay ugu  soo diridoonan Ciidamo ka socda Dowlada jabuuti oo qeybka ah kuwa Migowga Africa ee Soomaaliya ku sugan.

Siihayahay wasiirka warfaafinta xukumada KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac oo ka mid ahaa wafdigii ka socday Dowlada ee ka qeyb kalay kulanka madaxda Urur Goboleedka IGD ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa tilmaamay in Dowlada Jabuuti ay kulankaasi ka balan qaaday in malmaha Soo socda ay ciidamo u soo diri doonaan isagoona Sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka Jabuuti.

Dowlada jabuuti oo ka mid ah wadamada ku bohoobay Urur goboleedka IGD iyadoona mar badan Shaaca ka qaaday in ciidamo iyaga ka socda ay u soo direyso Dalka Soomaliya balse ilaa iyo hadan aysan soo gaarin Soomaaliya.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event