R/wasaaraha Oo Lagu Dhawaaqayo & Khilaafka Labada Shariif Oo Weli Taagan

Mogadishu (GMN) – Xiriiro aanu la samaynay Aqalka Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyey in goor dhow uu Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqi doono Ra’iisul wasaare cusub oo bedali doona Mudane Farmaajo.

Waxaa iminka soconaya qaban qaabadii ugu xooganeyd, iyadoona lafili karo in daqiiqado ka dibba la soo magacaabo Ra’iisul wasaare.

Waxaa si hoose u jiray khilaafyo soo kala dhexgalay labada Shariif, waxaana sidoo kale ilaa xalay lawada wadahadlo ka dhaxeeya Shariifyada si loo soo dedejiyo magacaabista ra’iisul wasaaraha.

Waxaa haatan ku sii qul qulaaya xarunta madaxtooyada Xildhibaano,wasiiro iyo qaar kamid ah waxgaradka, iyadoona halkaasi ay ku suganyihiin saxaafada.

Waxaa dhici karta in qorshaha uu dib uga bedalmo magacaabista ra’iisul wasaarahaan madaama ay xaaladu tahay mid cakiran marka loo eego Shariifyada.

Prof. C/weli Gaaz, ayaa sida muuqata loo magacaabi doonaa xilkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ka mid ahaa Wasiiradii ugu waxtarka badnaa ee Xukuumadii Farmaajo, islamarkaana uu saaxiib dhow la yahay isla Farmaajo, taasi oo ka caraysiisay shalay Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan, keentayna in lagu kala dareero madashii lagu magacaabi lahaa.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event