Ugaaska beesha Sade Daarood, Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo Nairobi ku Geeriyoodey

Nairobi: (GMN) Allaha u raxmadee Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed Ugaas Guuleed ayaa mudaa saacad ka hor ah ku geeriyoodey Gudaha Mgaalada Nairobi Kenya  ka dib markii uu dhawaan la soo darsey xanuun ay dhaqaatiirtu ku tilmaameen Sokor.

in mudo ahba waxa uu ku xanuunsanaa ugaasku Gudaha Gobalka Gedo ilaa dhow goor oo loo keeney Samata bixinta dhinaca caafimaadka Xarumaha Wadamada Dariska ah sida Addis iyo Nairobi ayaa lagu guul dareystey daawweyntiisa ugaaska .

Ugaaska Beesha Sade Daarood Ugaas Cumar Ugaas Xirsi mudadii hana-qaadkisa ilaa iyo haatan waxa uu ku howlanaa arimaha Dhaqanka iyo hogaanka sare ee beesha sade Daarood gaar ahaan Gobalada Gedo iyo Jubbada Hoose waxaa uu sidoo kale ugaasku habab ay wakiillo matalayaan ku samo talin jirey wadamada ay beeshu ku firidhey ee qurbaha halka uu talo wadaag la lahaa beesha Sade Daarood dhinaca Bari.

Ugaasku Allaha u raxmadee waxaa la Filaayaa in Meydkiisa Aas loogu Qaado Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobalka Gedo halkaasi oo uu Dhalasho iyo masuuliyadba ka soo jeedo Xili arinkanina waxa uu dhacayaa guud ahaan Gobalka ay hareeyeen Dagaallo u dheexeeya Dowlada FKG Soomalaiya iyo XArakada Alshabaab.

Dhamaan Bahda Gedoonline waxay tacsi u dirayaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha Sade Daarood oo ay leyihiin Samir iyo Imaan Ugaaskana janadii allaha geeyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event