Ahlu Sunna Oo Sheegtay In Dagaalyahano Badan Oo Shabaab ah Ku Dishay Hiiraan
Baledweyne (GMN) – Dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna, ayaa guulo wax ku ool ah ka sheegtay Dagaalo xoogan oo shalay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan kudhexmaray Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee Degmada Buula Burde oo katirsan Gobolka Hiiraan ninka lagu magacaabo C/Casiis C/lahi Cabdi ayaa Saxaafada usheegay in dhankooda au guulo ka gaareen Dagaalkaas.
‘Waxaan dilnay Dagaalyahano Shabaab ah oo gaaraya ilaa 30 gaadiidna waan ka gubnay kadib Markii aan weerar ku qaadnay’ayuu Saxaafada usheegay Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee Degmada Buulo-Burte.
Dagaalkii shalay dhacay ayaa sidoo kale saamayn xoogan kuyeeshay rayidka halkaas kunool waxaana Wararka soo baxaya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.
Al-Shabaab kama aysan hadal dagaalka kadhacay deegaanada Saylan iyo Bukurow oo ay Ahlu Sunna Waljamaaca ay sheegeen in ay guulo ka gaareen.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmaill.com


Recent Comments