Falanqeynta Finel-ka Champions League Ee Caawa *Barcelona & Man United*
CIYAARAHA GEDO ONLINE : Kooxaha ugu caansan qaaradda Yurub, islamarkaana kusoo kala guulaystay sanadkan horyalaada dalalka Spain iyo England, ayaa caawa oo Sabti ah ciyaarta 3aad ee ugu daawashada badan caalamka ku hardami doona finalka Champions League.
Barcelona iyo Manchester United ayaa hore isku soo arkay, mid welibana labo jeer ayay Final timid shanta sano ee ugu danbaysay.
Barcelona waxay ka soo baxday group ay ku wada jireen FC Copenhagen, Rubin Kazan iyo Panathinaikos, ka hor inta aysan la kulmin kooxda Arsenal oo ay ku reebtay wareegii 16aad .
Guushii weynayd ee ay ka gareen Shakhtar Donetsk ee rubuc dhamaadka ciyaarta waxaa daba socotay kulan aad u adag oo ay isaga hor yimaadeen kooxda uu ficiltinka weyn uu ka dhaxeeyo ee Real Madrid, Kulankaas oo muran badani ka jiray, waxaana si weyn uga dhex muuqday ciyaaryahan Lionel Messi.
Manchester United waxay ka soo baxday group ay ku wada jireen Valencia, Rangers iyo Bursaspor, wareegii 16ka waxay abaalmarin u heshay Marseille.
Markii ay ka badisay kooxda Faransiiska waxay iska hor yimaadeen Chelsea rubuc dhamaadkii ‘quarter-finals’. United waxay Finalka ku gaartay Schalke.
Xiddigaha Sir Alex Ferguson ayaa sidoo kale si xarago leh u hantiyay horyaalka, halka Barcelona ay aruursatay 96 dhibcood oo ay ku hanatay horyaalka Primera Liga.
Inkastoo, labada kooxood ay guulo waa weyn ay gaareen, haddana kulanka Sabtida ee London ka dhacaya ayaa lagu go’aamin doonaa cidda xasuus weyn u reebi doonta taageerayaasheeda.
TAYADA CIYAARTOYDA
Marka Barcelona laga hadlo iyadoo aan la eegeynin guulaha isdaba jooga ay gaartay, haddana waxay haysataa xiddigo tayo leh ee ay ka mid Messi, Andres Iniesta iyo Xavi oo kala sareynta kaga jira kaalimaha 1,2,3. Tartanka ciyaartoyda ugu wanaagsan caalamka [Ballon d'Or] ee sanadkan la sugayo.
Saddexdan oo wadajiraa ayaa baabi`in kara cid kasta oo ka hor imaada, taasina waa sababta Barca ay ku noqotay kooxda ugu wanaagsan caalamka.
Sidaas lama mid aha United, Indha indheeyayaasha ciyaaraha ayaa waxay leeyahiin dad qaarkii ee indha indheeya ciyaarta waxay leeyahiin kooxda uu gacanta ku hayo Ferguson inaysan sidii hore.
United ayaa lagu amaanaa habka daafac wanaagga, degdegsiimaha khadka dhexe iyo weerarka oo ay sida wanaagsan iskula haystaan ciyaaryahanada da’da yar Wayne Rooney iyo Javier Hernandez.
Waxay kaloo United haysataa hub qarsoon kasoo ah macalinka waayo aragga ah Ferguson, kasoo si weyn uga waayo aragsan ninka ay iska soo horjeedaan Pep Guardiola kasoo kalsooni ku qaba inuu ka ciyaar wanaagsanaan doono Barca.
United way awoodi wayday inay ka gacan sareyso kooxda Barcelona kulankii finalka 2009 ee 2-0 looga badiyay, Laakiin waxaa xasuustooda ka go’i la’ kulankii European Cup Final ay Benfica kula ciyaareen garoonka Wembley sanadkii 1968 oo ay guusha ku raacday United.
Daawadayaasha dunida ka kala socda waxay rajeynayaan inay daawan doonaan kulan ku dhisan weerar iyo weerar celis isla markaasna uu garwadeen ka noqon doono garsooraha u dhashay dalka Hungari ee lagu magacaabo Viktor Kassai.
WARARKA KOOXDA
Si kastaba ha ahaatee koooxda United waxay ka digtoon tahay inay madax xanuun kala kulanto isku dhiib dhiibka quruxda badan ee kooxda Barca ay jeceshahay inay kula wareegto garoonka, xagga daafac waxaa ka dambeeya goolhaye Edwin van der Sar, oo ciyaaraya kulankiisa Final ee ugu danbeeyay isagoo ciyaaraha kaga fariisan doona 40 jir.
Halyeeygan u dhashay Dutchka waxaa gashaan u noqonaya afarta daafac oo ka kooban Patrice Evra, Rio Ferdinand, captain Nemanja Vidic iyo mid ka mid ah mataanaha Brazilianka, laga yaabee Fabio.
Ferguson ayaa haysta dhowr fursadood oo uu ku kala dooran karo khadkiisa dhexe, laakiin waxaa la tajeynayaa inuu keeno Antonio Valencia, Michael Carrick, Ryan Giggs iyo Park Ji-sung, sidoo kale Nani, Anderson iyo Darren Fletcher ayaa u furan inuu soo safo.
Hernandez oo ciyaarihiisa la jeclaystay sanadkii koowaad ee uu kooxda ku soo biro ayaa weerarka kaal ciyaari doona Rooney, iyadoo United u aragto in Barca meesha keliya ay ka jilicsan tahay ay tahay xagga daafaca.
Sida United, Barca ciyaartoydoodu dhamaan way caafimaad qabaan ka dib markii ay nasiino gelisay kulamadii ugu danbeeyay ee horyaalkooda.
Eric Abidal ayaa ciyaaraha ku soo laabtay, ka dib markii uu muddo labo bilood ah uu maqnaa, waxaana qaliin looga sameeyay Cancer-ka beerka ‘liver tumour’.
Daafaca bidix ee Faransiiska ah ayaa ku faraxsan inuu ku ciyaaro Wembley, kana garab ciyaaro daafacyada Dani Alves, Carles Puyol iyo Gerard Pique, sidoo kale ciyaaryahanka xirfadda badan ee u dhashay Argentine Javier Mascherano ayaa ah fursad kale oo uu isticmaali karo Guardiola haddii uu go`aansado inuusan Qatar gelin Abidal iyo Puyol-oo muddo garoomada ka maqnaa.
Sergio Busquets ayaa noqon doona kubad qeybiyaha khadka dhexe isagoo u ogolaanaya Xavi iyo Iniesta inay si xornimo leh u weerari karaan kooxda kale, halka Messi uu caawin doono weeraryahanada David Villa iyo Pedro.
SHAX CIYAAREED
Barcelona (4-3-3)
Valdes; Dani Alves, Mascherano, Pique, Puyol; Xavi, Busquets, Iniesta; Pedro, Messi, Villa.
Manchester United (4-4-1-1)
Van der Sar; Fabio, Vidic, Ferdinand, Evra; Valencia, Giggs, Carrick, Park; Rooney; Hernandez.
MA OG TAHAY
- Barcelona ayaa dhalisay goolasha ugu badan ee Champions League sanadkan kaas oo ah 27 gool.
- Catalanska waxay kulmeen Manchester United 10 jeer ciyaaraha Yurub: 3 jeer way badisay, 4 barbardhac ayay galeen, 3 marna waa laga badiyay.
- Lionel Messi waa hogaamiyaha gool dhalinta CL wuxuuna dhaliyay 11 gool.
- Barcelona ciyaartii ugu dambaysay oo Final ah oo ay ku ciyaarto Wembley waxay ahayd 1992 waxayna 1-0 uga badisay kooxda Sampdoria waqti dheeri ah oo lagu daray ciyaarta..
- Xavi iyo Sergio Busquets waa labada ciyaartoy ee dhamaystiray 1000 baas Champions league sanadkan 2010-11.
- Manchester United ayaa 12 kulan oo ka tirsan Champions League sanadkan aan laga badin.
- Edwin Van der Sar ayaa ciyaari doona kulankiisa 99aad maalinta Sabtida.
- Red Devils waxaa ka dhashay 4 gool oo keliya tartankan Champions league sanadkan.
- Alex Ferguson ciyaartoydiisa ayaa gaaray Finalkii saddexaad ee Champions League afarta sano ee ugu danbaysay.
- United kulankii Finalka ee ay 2-0 ugu awood sheegatay Barca sanadkii 2009 wuxuu ka dhacay Stadio Olimpico magaalada Rome.
- Manchester United guuldaradii ugu danbaysay ee CL waxay kala kulmeen Bayern Munich bishii March 2010.
TOBANKII KULAN EE AY KULMEEN BARCA IYO UNITED
Barcelona 2 Manchester United 0 – 1984
Manchester United 3 Barcelona 0 -1984
Manchester United 2 Barcelona 1 – 1991
Manchester United 2 Barcelona 2 – 1994
Barcelona 4 Manchester United 0 – 1994
Manchester United 3 Barcelona 3 -1998
Barcelona 3 Manchester United 3 – 1998
Barcelona 0 Manchester United 0 – 2008
Manchester United 1 Barcelona 0 – 2008
Barcelona 2 Manchester United 0 – 2009
Gedo Online Sports News
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments