Maxaa kala haysta fanaaniinta Falis Cabdi iyo Ikraan Caraale (Sir+ Heeso)
Nairobi-(GMN) Waxaan rabaa in aan dabaalka ka qaado arimo badan oo qarsoon. Ha iga degdegin. Ha ka tagin qoraalkan adiga oo aan dhameysan. iskuday cadeymaha aan ku tusayo in aad si fiican u daawato una akhrisato. noqo qof fahmaya eryada iyo heesaha aan kusoo gudbinayo. Hadaba diyaar ma tahay aan bilaabee sheekada? haddii jawaabtu tahay Haaa, bal anigana iga qabo sheekadii Ikraam Caraale iyo Falis iyo Heesaha la is dhaafsaday.
Fanaanada Caanka ah ee Falis Abdi Maxamuud oo ka mid ah Kooxda weyn ee Waayaha Cusub ee xaruntoodu tahay Dalka Kenya ayaa soo qaaday hees u muuqata inay jawaab kulul ku siineyso Fanaanada Da’yar ee Ikraam Caraale oo horey u qaaday hees ay ugu magacdartay “GAARSIIYA” taasi oo ay u qaaday Wiil ay jecleyd oo ay ka weyday la qabashada arimaha jaceylkeeda.
Dad badan ayaa hadana is weydiiyey. Waa kuma wiilka ay sidaasi u jeceshay Fanaanada Ikraam Caraale. Somalida waa dad heli og jawaabta wixii markaasi soo baxee,waxaa ay durba la soo boodeen waa Hees sarbeeb ah oo ay ugu direyso Fanaanka ama Abwaanka kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo la sheegay inuu mudo xirir jaceyl la lahaa Ikraam Caraale. Laakiin markii danbe uga baxay oo aan sidii balantu aheyd kasoo bixin.
Hadaba maxay tahay sababta uu arintaasi uga soo bixi waayey? Yaa u diiday inuu kasoo bixi waayo? Haddii uu Ikraam Caraale jaceylkeeda uu ka baxay,xagee ayuu jaceylkiisa u sii jeediyey?? waxaasi oo su’aalo ah waa kuwa aad ka dhex heli doontaan,haddii aad si fiican u dhuuxdaan heesaha la isku soo mariyey Hawada oo ay kala qaadayaan Fanaaniinta kala Ikraam Caraale iyo Falis Abdi Maxamuud oo ah udub dhexaadka kooxda Waayaha cusub iminka loolan jaceyl uu kala dhexeeyo Ikraam oo u gacan haatineysa Shiine Akhyaar mar kale.
Heesta Ikraam oo ah mid si weyn looga dhex heli karo erayo jaceyl iyo xiiso ay wali u heyso Shiine Akhyaar ayaa waxay soo jiidatay dareenka dad badan,waxaana durba loo qaatay in fanaanada ay dardar xoogan fanka kusoo gashay. Waase ka duwan tahay sida ay dadka u fakarayeen, oo Ikraam waxaa iyadana ay ka aheyd sidii ay usoo bandhi laheyd jaceylkeeda. Midna la soco akhristow in Ikraam fanka aysan ku jiri-jirin ka hor heestan,waxaana dadka la socday taariikhdeeda iyo mida Shiine akhyaar sheegaan inay caro ay ka qaaday,kadib markii uu shiine guursaday Fanaanada ay isku kooxda yihiin ee Falis Abdi Maxamuud,taasi oo ku keentay inay bal tusto awooda ay u leedahay fanka.
Bal dib igula milicsada heestii “GAARSIIYA” oo ay ikraam qaadeyso:-
Hadaba Erayada Heestan Cusub ee “GAARSIIYA” aan idin soo gudbiyo:-
Ma ogtahay sidiibaan Geesigaan jeclaan
Inuu Guule igu simo gacmo kor u hayaa.
Ma ogtahay sibaan goor iyo Ayaan
Guriga uu ku nool yahay Naftu gacan salaamaaye.
Bal inuu garwaqsado
Sidii Caashaq ii galay
Gasiinkiina iga jaray
Uga go’ay Hurdadaa.
Ha gudoonsadee,Geesigaan Jeclaa
Gaarsiiya Idinkuna .
Qeybta Labaad:————-
Ma ogtahay Sidiibaan Gacalkaan jeclaa.
Ruclo Oradka ,Raacdada aan u Goobayaa
Ma ogtahay Sidbaan Gurxan iyo Guhaad
Sidii Aar gantaal qaba aan u goohayaa.
Bal inuu Garwaaqsado
Sidii Caashaq ii galay
Gasiinkiina iga Jaray
Uga go’ay Hudada.
Ha gudoonsadee Geesigii aan Jeclaa
Gaarsiiya idinkuna.
Ikraam ayaa mar ay ka jawaabeysay Su’aalo lagu wareydiinayey barnaamijka Ciidaha ee Universal,waxay si sahal ah usoo dhufatay inay u qaado Heesta Gaarsiiya,waxaana ay sii daba dhigtay inay heestaasi tahay mid xambaarsan Jaceyl iyada saameyn ku leh. Taasi ayaana akhristow ku sheegaysa inay Ikraam jaceyl xoogan u qabtay Abwaan Shiine Akhyaar.
Bal ila daawo Wareysiga ay ku sheegeyso Ikraam inay heestan u qaaday jaceyl iyada hayey :—
Xiliga ay heestaasi soo baxeysay Fanaanada Falis Abdi Maxamuud waxay aheyd Xaamilo,mana aysan kasoo jawaabi karin heesaha ay sida leebkii oo kale usoo tuureysay Ikraam Caraale, Dad u dhawaa falis Xiligaasi ayaa sheegayey inay dhowr jeer damacday inay jawaab ka bixiyo,waliba iyadoo uur leh,taasi oo muujineysa inay liqi weysay suugaanta ninkeeda loogu duur-xulayo arimaha jaceylka Ikraam.
Waxaase arintaasi ka hor istaagay Abwaan Shiine Akhyaar oo markaasi u arkay inaysan habooneyn ,maadaama xaaskiisa xaamilo tahay. Waxaana uu ka balan qaaday inuu ku garabsiin doono jawaab ay ka bixiyo heesta Ikraam marka ay dhasho, sidasi oo ay tahayna shiine marna kuma qanacsaneyn in loo jawaabo Ikraam,sababtoo ah isaga ayaa bari xirir jaceyl la lahaa,waxaana uu taasi badelkeeda ka jeclaa in sheekada halkaasi lagu xiro.
Fanaanada Falis Abdi ayaa iyada arintaasi galafka ku dhufatay,waxaana markii ay kasoo baxday umusha ay bilowday inay duubto Album u badan Jaceyl iyo hees ay ugu jawaabeyso Ikraam Caraale.ma rabo in aan ka hadlo albumkaasi cusub,laakiin waxaan idin kasoo qabanayaa heesta aan Maqaalkan darteed u qorey.waana Heesta ay u bixisay “GARAADLAAY” Taasi oo uu alifay Wariye Caan ah isla markaana suugaanta baryahan xoog badan ku dhex lahaa oo hal-abuurkiisa la holin waayey. Waa Liiban Abdi Warsame.halka laxanka uu saaray Fanaan ka mid ahaa fanaaniintii hore oo lagu magacaabo Cali Shaacir.
Heesta erayada ku jiro,waxaa muuqata inay sarbeeb ka fogtahay,waxaa sidoo kale muuqata inay daaha ka qaaday daboolkii saarnaa heestii ay horey u qaaday Ikraam Caraale,waxaana sida aad ka dhex fahmi karto erayada aad arki doontaa inay markan bilaabatay sheekadii lagu yaqaanay fanaaniintii hore oo sidan oo kale jaceyl u wada qaadi jiray Hal Abwaan ama Hal Fanaan,sida Fanaanka Ahmed Cali Cigaal oo ay wada jeclaayeen gabadho aan ka xusi karo Maryan Mursal iyo Qadro Dahir Cige. Kuwaasi oo heesha jaceylka isugu qaadi jirey hadba waxa ay kala aaminsan yihiin.
Dhinaca kale Fanaanada Falis ayaa muuqaalka heesta waxa ay u duubtay si ay ku muujineyso libinta ay ku fadhido,waxaana ay Shiine Akhyaar ku qasabtay inuu la jilo,taasi oo hadana loo fasiri karo inay tahay jawaab cad. Waxaana marka aad indho aqoon u leh arimaha jaceylka ku fiiriso ka fahmeysaa inuu Shiine heesta ka xun yahay jilisteeda,laakiin uu qancinayey Xaaskiisa Falis,Halka Falis ay ka tahay inay Ikraam u muujiso inay gacanta ku heyso ninka ay Heesaha Hawada usoo marineyso,iyaddoo waliba ku leh waxaan nahay Qoys dhisan,marka waxba naga heli meyside yeysan godob kugu noqon heesaha aad inoo soo qaadeyso .
Shiine Akhyaar ayaa isaga markan waxa uu ciyaaray farsamo uu rabay inuu uga Dabaasho Suugaanta ay isku dirayaan labadan gabdhood ee fanka ka dhexmuuqda,waxaana xitaa uu ka gaabsaday inuu alifo heesta jawaabta ah oo ay Falis rabtay inay u dirto Ikram,waxaana taasi badelkeeda sameeyey Wariyaha Caanka ah ee Liiban Abdi Warsame. Shiine Akhyaar si kasta oo uu sameeyase arintii ma uusan qaboojin,waxaana ay noqotay mid cirka isku sii shareerta markii ay heestan soo baxday.
Bal ila daawada Heesta GARAADLAAY iyo Codkii Falis Abdi Maxamuud iyo Jilistii Shiine AKhyaar:-
Erayada ku jira haddii aadan fahmin,bal dib u akhriso,waxaana ugu talagalay in aad ila dhuuxdaan dulucda heesaha la isku dirayo.
Falis,waxay ku leedahay Heesteedan,
Ma ogtahay Garaaadlaay, Geed miro ku yaalaa
Intuu baxay gun iyo baar, Gurashada diyaar u ah.
Mar hadaadan gaareen,Geeraar raqiisiyo
Rucla oradka raacdada ,waxba kuuma goysee.
Gucashada adoon badin,in aad dowga garataa
Armey kula gudboon tahay.
Gacal kaa daldoorsaday, guubaabo iyo Hees
Midna laguma gaaree,inta goori goortahay
daydayo Gayaankaa .
Guushiyo Ayaankuba ,Galad eebo weeyoo
Hadaan guulo ku qorin,si xun laguma goobee.
inta laba gayaan ah,guri yeeshay oo laday.
Kala goo,isleedahay guuleysan meyside
Guryo noqoshadoodiyo,Gacan dhaafka reeraha
Godob yaaney kugu noqon.
Gacal kaa daldoorsaday, guubaabo iyo Hees
Midna laguma gaaree,inta goori goortahay
daydayo Gayaankaa .
Maxay isaga dhaw yihiin Labada Heesood???
Fanaanintan labadaba waxay muuqalka u sameeyeen si cajiib ah. Marka ay jilayeen mid waliba waxay soo xiratay mararka qaar “OOKIYAALE” Madow ah. Waxaa ay fanaanada mid waliba ka codsatay inay heesta loogu sameeyo Erayga ” G” kaasi oo ay midba midka kale ugu jawaabeyso. Waxay ku qaadeen codad macaan oo aan midna midka kale ka dhicin, Waxay sidoo kale ku muujiyeen Dareen jaceyl oo midkasta dhankisa ugu hayo Shiine Akhyaar.
Waxay Falis iyo Kooxda Waayaha Cusub,waxay socdaal Faneed ku tageen Puntland iyo Jabuuti sanadkii 2009,Waxayna halkasi kusoo bandhigeen heeso badan. waxaa xiligaasi la xasuustaa wacdaro ay muujisay Fanaanada Falis oo ay aad u jecel yihiin reer Puntland iyo dhalinyrada Somaliyeed oo dhan.
Laakiin Ikraan Caraale ayaa iyadana tiri waa in aan cagta soo mariyayaa deegaanada Puntland iyo Jabuuti oo ay tagtay dhamaadkii sanadkii 2010 oo ilaa iyo hada ayey ku maqan tahay. Waxaa iyada oo fanka wax yar ku jirta si weyn loogu soo dhaweyey Magaalada Boosaaso,waxaa socdaalkaasi ku wehliyey Wariye Bushaaro Cali Baando,si taasi ka xoog badan ayaa loogu soo dhaweeyey Hargeyso oo aysan Falis Abdi walikeed tagin,waxaana muuqata inay socdaalkasi qeyb ka tahay tartanka iyada iyo Falis ka dhexeeyo.
Falis hada waxay Shiine Akhyaar u heysaa Gabar,waxaana gabadhaasi loo bixiyey Siraad,waxaana ay wada degan yihiin Xaafad la yiraadho WESTLAND oo ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Waxaa ay inta badan isla soo saaraan Albumno ay ku jiraan dhiirigelinta bulshada Somaliyeed,Laakiin Albumkooda sanadkan 2011 waxaa ka buuxo heeso u badan jaceyl oo ay wada qaadeyso Falis,taasi oo tilmaan u ah inay kula tartanto Fanaanada Ikraam Caraale.
Somalida hada joogta waxaa ku yar inay fahmaan heesaha sarbeebta ah oo ay isku dirayaan fanaaniinta xiligan. Waxay u dhageystaan oo kaliya codka fanaanka iyo musiga saaran. dhinaca kalana fanaaniinta somaliyeed ayaa ku yar kuwa sidan oo kale isugu jawaaba.
Heesaha noocan oo kale,waxaa ay ka mid yihiin kuwa kor u qaadaya fanka Somalida,waxaana haddii ay sii socdaan la gaari doonaa in fankeena uu kusoo noqdo sidii lagu yaqaanay xiligii dowladii dhexe ee Somalia. Waxaa iyana baratami doona Abwaanada oo midba midnka kale kula tartami doono inuu fanaanada iyo Fanaanka u sameeyo jawaabta uu markaasi rabo inuu bixiyo. Dadkana waxay u noqon doontaa mid xiiso ku beerta,maadaama ay jecel yihiin fanka ku sameysan tartanka.
Waxaan idin balan qaadayaa hada kadib wixii warbixino arimahan oo kale ku saabsan,in aan soo qoro una soo bandhigo dadweynaha Somaliyeed,kuwaasi oo lagu wareeriyey oo kaliya wararka Dagaalka iyo Heesaha Copy-ga iska ah oo ay qaadanan fanaaninta hada soo baxday,isla markaana aan bulshada tuso inuu jiro waji kale oo uu leeyahay fanka Somaliya.
Wixii Dhaliil iyo Mahadcelin ah iigu soo dir Emailka hoos ku qoran.
Maxamed Xuseen
Email:– mxuseen14@gmail.com
Nairobi,Kenya


wooooooooooooooooooow nice
asc waxaan halkan ka salamaay dhalinta wayaha cusuub gar ahan falis waxaan ku leyahay isku waara oo waligeen jiira adiga iyo walakeey shiine waan idinku farxaay mal walbo aad joogtaan nabaad iyo cano ku nolada
asc wr wb marka hore waxaan halkaan mahad celin uga dirayaa wariyaha sida qotada dheer uu faah faahiyay bar naamijkaan aad moodid in dhalintu ay ku jah wareertay waxaan mar labaad leeyahay Mmaxamed xusen thnx sxb mida kale waxaad ba moodaa fanka intii sii xiisaha bad neyd in loo gud bay aad baanu u soo dhawey neyn naa intaa iyo in ka xiiso badan waanu idinka filay naa haadaad tihiin kooxda war qabadka wepka gedo aad baan idiin salaamayaa dhamaan aqris tayaasha webka
asc marka hore waxaan salaamayaa umada islaamka meel kasta ay ku nolyihiin
marka xigta waxaan salaamayaa umada soomaliyeed melkasta oo ay aduunka ka joogto
waxaan salaamaya dhalinta soo gubisa ama soo diyaarisay barnaamijkan .waxaan hadaba halkan ka salaamayaa fanaanka ama abwaanka da,da yar iyo marwadiisa, falis cabdi maxamud. waxaana leeyahay hambalyo gabadha u dhalatay ilaahayna ha idiinka dhigo tii diinteeda iyo umadeeda iyo waalidkeedba anfacda ee khayrka badan mar walba. qisadan cajiibka badan waa mid hota inta badan dhacda umada dhaxdeeda nasiibkuna waa shay jira ha yeeshee walaashay ikraan waxa ila qurux badan inay qarsataa hadii ay weli damac kaga jiro ruxii ay jeclayd mar hadii uu maanta aqalyeeshay falisna waa inayna wax ku digasho ah ayna samaynee waa inay xigmad ku shaqaysaa masuulnimo ah oo aan ficili uuna qaadin si guriga loo ilaaliyo hada taagan waayo si walibaba si bay dhaantaa waaayo ikraana ma ogolaateen ninkeeda in daaqada looga soo dhaco falisna ma istaahisho in halka ikraan ku jirto haday ku jirto wax la,aan iyo ku digasho la iskugu daro ..hadal iyo dhamaantii waan idin salaamay dhamaantiin
sc run ahaantii naa isku dumar baynu nehee is ka jira dagaal suuganeed
come on guys love comes and go’s and so does marreg well it depends but to let ya no is an ampty life nothing but full with hurt
waxan leeyahay ikraan carale waay qaladan tahay ineey so dhaxa gasho am eey dumiso guri dhisan waxan filaya ikran itaan ineey ku filan tahay waxan leeyahay ikran nasiiba wagasan ayan kuu rajenay !!
nayaa ikarancarale wagawr aad umacan nacnac wadhaftay waxeebomaresa jukuled wabo midalokatalakalay wasmada alawasmokumacana waxan kocodsanaya fananinta somaliyed inan soo hesin habraha wawaen sida maryanmursal maxayelay habraha wawen iskumafecno ee kurikoda ha iskajogan maxayelay hesdhan ayabo kunacsinayan habrahas wawen waxan okalnahay dada falis iyo ikran carale iyo farxiyo fiska iyo nimcodaren xaaaaaaaaaaaaaaaaaaaax
Ikran good girl wan jclahay codkaga sis best girl in songs wn kugu hasta la.anta abarwaye ilahay hanokadayo
Falis adiga aya gulesan doono
scw marka hore halkan waxaan ka salaamayaa dhamaan asxabta marka xigta
halkan ayaan waxaan ugu hanbalyaynayaa fanaaniinta filis iyo shiine gabadha u dhalatay ee siraad oon leeyahay alle hayidiin daayo iyo dhamaan dhalinta waayaha cusub
Asc dhaman aqayarta webka marka xigta waxan salan hawada u marina fananada codka dahabiga ikran carale wad guleysane mcny in sha Allaaaaaaaaaaah
Asc dhaman asxabta hambalyo hambalyo falis and shiine sirad yarey edo so bar bar falis apayo waxa samesay wa ceb kkkk ani waxan idin dhihi laha qofkad isku hesatin wa nin ninkana ilah ba afar ubaneyay kkk marka qebsada
Asc falis iyo gacaliyeheda shiine waxan kudhihi laha iska ilale nagta yenan ka hosbixinin ila eynin kagursato iska jir qali dhanak kale sirad yarey sobarbar habaryar ok byyyyyyy
Ikaran runti waxatahay qof sixun dhaqmeyso mana wanagasana inad qosdhisan ad burburiso marka iska jir waxas wa ceb iyo lamamaqal ok by
Nayaa ikraan falis akteeda ciyaal ayaad kathay maah maah somaliyed ayaa horay utiri nin kaa weyn il guluxeedna kaaweyn marka shinbir walbaba shinbirkiisu la duulaayee gabaryhy cagaha dhulka dhig k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.
I don’t think she should be fighting for a guy, Ikraan is beautiful and she can find another guy whom she will love and who will love her back, also, is it me or has Falis gained a bit of weight? She’s still beautiful though and I wish her and Shiine best of luck.
Oh and by the way my somali is pretty bad but I’m half welsh so please don’t pick on me
ani gu waxaan tageera falis oo aan raac sanahay sabab too ah khalad bay u jelaatay naag ninkeed
Wa idin salamay fananada da’adayar e falis cabdi iyo gcliyaheda shiine sln kadib waxa idin leyahay noqta labadi isku siwaara e noqta awowe iyo ayeyo mida kale ikram carale sxb hada runta ku sheko wad qaldantahe isi sax ma nin la’aana magalada ka dhacday sxbey guri dhisan hadumin gbrana tahe gab gabso waxas walaga fcnya falis mcnto guuleso waxa kuleyahay 143 fananta falis cadey by
asc waxan halakan ka salaamaya dhamaan guruubka waayaha cusub gaar ahaan falis waxan na idin leeyahay ramadaaan kariim falis wallo waxan ku rajaynayaa guul meel kasta ba oo aad joogtid adiga iyo shiine ba wll wxn kaa codsaniyaa inaad igala soo xiriirtid emailkayga adoo raali ah
ikraaaan sxbey saas dhan ayad u qurxoontahaye
ka daneyso ninka aan kuu qalmin iyo
naagtiisa intaba …….
teeda kale karamaada aad u ilaasho
marwalbo ……
Asc marka hore si aad ah ayaan u salmayaa bulshada somaliyeed salaan ka dib horta jaceylka waa wax jiro misne ku beermo qofka bini aadamka qalbigiisa iyo laabtiisa waana dareen dhab ah o nafwalbo sameeyo jaceylka nafwalbo waxey jacesha hay iney durufwalbo u marto nafteey jaceyshay ama sida eey ku heli laheed jaceylkeda eey ula qebsan laheed nolasha. Mustaqbalka marka aniga hadaan ka hadlo 2 fanaanad falis and ikraam caraale 2 dooda midna ma qaldano waxaa hayo jaceyl xun o gubayo naftooda qofwalbo farxadiisa waxeytahay inuu helo qofka u jaceylyahay ama uu u maro dhib iyo dheefba sida u kuheli lahaa jaceylkisa ulana wa daagilaha farxada. Jaceylka marka filis iyo ikraam waxaa isku geeyey jaceyl eey wada jaceylyiin 1 qof marka naceebka iyo cuqda taas aya keentay wax walbo waxaana ka ween calafka marka shiine asagane wax qalad ah malahan asagane falis ayuu calaf kulahaa marka aniga waxaan dhihilahaa 2 gabdhood yaan la fagoon coladooda e intaas halugu xiro tariikh
war naga aamusa! Falis iyo ikraan manaqaane, aniga NIMCO DAREEN ayaan jeclahay XAAAX! dareenkey aye kicisaa markaan arko.qoftaas caadi maahan 90jir xitaa hadey noqoto waa rabaa. Hala iso cinwaankeeda saxda ah plz iiso raadiya plz
Masha allah falis mcn bdn nagta iska ilaali allah garabkaga hagalo wuuw ikran way kugu dadsnthy
Asc wr wb aqiyaarta arintaan falis iyo ikraan ee suxufiyiinta buun buuninayaan waa mid aan wax ka jirin shiine aqyaar wuu ka hadlay in ay wax ka jirin mida kale ikraan iyo falis waa dad walaalo ah waa gabdho soomaaliyeed mida kale falis ma ahan in ay shiine kaligeed isku e keeso shiine waxaa u banan 4dumar ah sida ay diinta qabto anaka muslim baan nahay marka arinta ay filis wado diinta wey ka soo horjeedaa ee haka fiirsato inta ay goori goortahay. Aqristoow falis waa muqaalifo ninkeedana ma u tirsana hadii uu u tirsanyahay markuu dhahay iska dhaaf warkaan waa mid aan wax ka jirin ayey iska dhaafi laheed. Fanaaniinta waxaan kula dardaarmayaa in ay ka toobad keenaano barnaamij ka ay ku jiraan. Illaahey ha u dambi dhaafo asc wr wb
Asc halkan waxan ka salamaya fananada ikran carale ikraney abayo waxan ku dhihi lahaa iska ilaaw falis iyo shinaha ay shegeso macnto waxad helesa mid kawanagsan oo ka qurxon waa wasaq aan jclka wax ka aqonin lkn abayo iska ilaw waxad tahay gbar qurxon oo cod macan oo adunka laga aqon san yahay mcanto waliga ku nolaw farxad leh kana samir naacud yashas uf ikaran megaran
Asc wr dadka arintan bun buniya waa dad qaldan
oo,aan waxba aqoonin
diintena waxayqabtaa in ooqofka ubinaantaxay 4 dumar waayo dumarka uma banaana-4 nin rag,ah
ok walaaliyaal dad walaalo ayey tihin iswalaashada
waa la,is jacelaan karaa jaceel wayo ma,arakti dug indhol iyo dhalin yaro into ba wuu xaleelaa walaaliyaal iska dhafa waxa qalad ka ah insha allah kheyr ayan idin rajaynaa falis iyo ikraan
mahadsanid