Burcad Badeeda Oo Sidaayay Markab laga Leeyahay Panama.
Boosaaso(GMN) Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa sii daaayay Markab laga leeyahay Dalka Panama kaas oo ay in mudo ah haysteen.
Markabka ayaa ah nuuca xamuulka qaada, waxaana saaran Shaqaalo u dhashay Dalka Tunisia sida ay sheegeen Saraakiil katirsan kuwa kahowlgala biyaha udhow kuwa Soomaaliya.
Waakalada Wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay dowladda Tunisia in lagu guuleystay sidaynta markabka iyo shaqaalihii saarnaa, kaddib markii la bixiyay lacag madax furasho ah oo dhan labo milyan oo doollar.
Markabka ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay madaxfurashada kusii daayeen ayaa lagu magacaabaa MV Hannibal II, waxaana ay gacanta kudhigeen sanadkii hore.
Markabkan lasiidaayya ayaa markii ay burcad badeeda Soomaalida gacanta kudhigayeen kasoo tagay dhanka Dalka Malaysia waxaana uu kusii jeeday kanaalka Suweys ee dalka Masar.
Markabka oo siday saliidda qudaarta laga sameeyo ayaa waxaa kaloo la socday 31 qof oo kale oo u kala dhashay dalal kala duwan, mana cadda in dhammaantood la sii daayay iyo in kale.
GedoonlineNews@gmail.com


Recent Comments