Yuweri Mosaveni Oo Maraykanka U Sheegay in AMISOM ay 70% Ka Taliso Muqdisho
Kampala (GMN) – Ku xigeen xog’hayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka James B. Steinberg oo aqalka Madaxtooyada magaalada Entebbe ee dalka Uganda kula kulmay M/weynaha dalkaasi Yuweri Musaveni ayaa amaanay hawl galka ay ciidamada Uganda ka wadaan Somalia waxaana uu sheegay in Mareykaniu ka shaqeynayo oo uu taageryo hawlgalka ciidamada AMISOM ee Somalia jooga.
James B. Steinberg waxaa uu sheegay in xukuumadda Washington ay la dhacsan tahay hanaankaa y ku shaqeeyaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dawlada Uganda waxaana uu shegay in ciidamadaasi ay mudan yihiin ion loo mahadnaqo sida uu sheegay waxaana uu intaa kudaray in xukuumadda Kampala ay dadaal ugu jirto dhameyn xasaradaha dalka geeska Africa ku yaala ee Somalia.
Xog’haye k/xigeenku waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay dagaalo kula jiraan wax uu ku sheegay urur argagixiso oo ku xiran Al-Qacida sida uu tilmaamay taasina ay mudan tahay in la taageero waxaana uu sheegay in dawlada Mareykanku uu tagerayo xoojinta ciidamada dawlada iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM.
Dhinaca kale M/weynaha Uganda Yuweri Musavani oo asna kulankasi kadib saxaafadda war kooban siiyay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee Somalia ku jooga ay haatan ku hayaan 70 % magaalada Muqdisho waxaana uu xusan inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay gacanta soo galiyaan ita kale ee mucaaradku ku sugan yahay.
M/weyne Musaveni ayaa asna ku amaanay dawlada Mareykanka taageerada ay siiso dawlada iyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM waxaana uu xusan in la’aantood aysan suuro gal noqoteen guulaha ciidamadoodu ka gaarayaan dagaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga ayaa dagaalo kula jira dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab waxaana dagaaladaasi ay yihiin kuwa si joogto ah Muqdisho uga dhaca.


Recent Comments