Waa La Iibsaday Jaziiradda Suqadra *Xog*

WAR CULUS : Suqadara waxay 240km(150mile)ayey dhinaca bari ka xigta xeebta geeska afrika gaar ahaan qaybta ku aadan gobolka bari ee maamul goboleedka Puntland, waxayna sidoo kale 380km(240mie) dhinaca koonfur ka xigta xeebaha carbeed.

Taariikhyahaanada Soomaalida ay sheegaan inaysan jirin tan iyo markii xuriyada uu qaatey dalka soomaaliyada sanadii 1960-kii inaysan jirin dowlada si cad u sheegata jasiiradaasi dowladaha soo maray wadanka soomaaliya.

marka laga hadlaayo qaarada soomaaliya iyo manahijta lagu barto taariiqda soomaaliya lagu xuso jasiiradaasi.

jasiirada sooqadra asalkeeda waxaa degana dad soomaali ah laakiin nusqarnigii ugu danbeeyey waxaa la sheegay inay ku soo bateen dad carab ah oo xoogoodu ay yihiin soomaali u janjeersaday dhaqanka iyo luqada carabta taasi oo sahashay in dowlada Yeman ay sheegato .

jasiiradaan waxaa la sheegaa inta badan fikirka iyo maamulkaba ay lug weyn ku lahayd dowladda ruushka .

jasiirada soqadra ayaa bilihii ugu danbeeyey waxaa ka soo baxaayey warar isoo taraayey oo tibaaxaya in maamulka Puntland uu gacanta u geliyey dowladda Mareykanka, ka gadaal markii sanadkii tagay ay dowlada KMG ay warqad u dirtay qarimada madoobe taasi oo ay ku deynaysay in jasiiradaasi ay leedahay dowladda soomaaliya.

hadaba habka gacan gelintaasi ay u dhacday iyo qaabka kala iibsiga si aan arintaasi xaqiijin ugu helno iyo macluumaad ku aadan waxaan xiriiro kala duwan aanu la sameynay masuuliyiinta maamul goboleedka puntland waxayna diideen in rumayn iyo beeninba ay wax ka dhawaanarintaasi, taasi ayaa dadka qaar ku xoojinaysa tuhunka ay ka qabaan arintaasi.

dadka u dhuun duleela arintaasi oo aan la sheekeysay ayaa waxay ii sheegen in howsha jaziirada ay soo gaba gabooday ka dib markii uu xoogaystay qilaafka u dhaxeeya dowlada KMG iyo maamul goboleedka Puntland.

xildhibaan maxamed cali cumar (diinsoor) oo ka mid ayaa shaqsiyaadka aan la sheekeystay ayaa ii xaqiijiyey in jasiiradaasi laga iibiyey dowladda maraykan uuna ka iibiyey madaxweynaha maamul goboleedka puntland maxamuud axmed (faroole)
sido kale xildhibaan diinsoor ayaa waxa uu arintaasi ku tilmaamey mid lagu baabiinaayo dhulka soomaaliyeed wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in arintaasi marna aysan ka hari doonin hadii ay yihiin mudanayaasha baarlamaanka KMG soomaaliya wuxuuna madaxweyne farooley ku eedeyey inuu ka shaqeynayo kala qaybinta umadda soomaaleed iyo iibsashada dhulka soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

jasiiradaani Suqadra ayaa waxaa hore u sheegatay dowladda yaman oo ilaa iyo hadda aaminsan inay leedahay laakiin waxaan shaki ku jirin in jaziiradaasi ay iska leedahay umadda soomaaliyeed.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay dowladda KMG soomaaliya maka hari doontaa madamaa arintaani raad ay ku leedahay dowladda Maraykanka oo jasiiradaasi laga iibiyey hadana tageeraha ugu weyn ay ka hesho dowlada soomaaliya mise waxay gudan doontaa dhaartii ay ku dhaarteen inay ka shaqayn doonaan danta dalka dadka iyo diinta ?.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

2 Responses to Waa La Iibsaday Jaziiradda Suqadra *Xog*

  1. Maxamed May 23, 2011 at 1:45 am

    Dhaar waxaa lagu maray in aan laga hareen in ay jaziiradda socotra ay tahay mid ay somali leedahay taas maskaxda ha lagu hayo.

    Reply
  2. RIDWAAN AXMED August 12, 2012 at 7:56 pm

    Sikastaba arintu ha ahaa tee waxaa kuu cadaynaya inay jasiirada socotra tahay dhul soomaaliaya meesha ay kagataalo dhulka, waxay u jirtaa bariga soomaliya 150 mi oo udhiganta 240 km, bal ilafiiri carabta intay u jirtana 380 km oo ah 240 mi. taas ayaa inoo caday naysa inaytahya dhulkeena.
    waa lasoo celin doo naa mar ay ahaataba.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event