M.Africa & Ethiopia Oo U Riyaaqay Go’aankii Moon Ee La Dagalanka Shabaab

Addis-Ababa (GMN) – War qoraal ah oo lagasoo saaray wakiilka ururka midawga Africa ee arrimaha wadanka Somalia Jerry Rawlings ayaa waxaa lagu sheegay in ururku soo dhaweynayo hadalkii ka soo baxay xog’hayaha guud ee QM Banki Moon kaasi oo ku aadanaa in laladagaalamo Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo Somalia ka dagaalama.

Warkaan oo lagu qorey wakaaladda Wararka ee PANA ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka Banki Moon uu dhira galin wax ku ool ah u yahay wadamadabeeshacaalamka iyo ururka Midawga Africa waxaana wakiilku sheegay inay tahay hawl wanaagsan in dawlada KMGS lagu gacan siiyo dagaalka ay Al-Shabab kula jirto.

Jerry Rawlings waxaa uu sheegay inay dhawr jeer ugu baaqeen wadamada beeshacaalamka inay kalaqeyb qaataan dadaalada nabada Somalia loogu soo celinayo ee ururku Somalia ka wado waxaana uu sheegay inay u mahadnaaqayaan wadamada haatan ku gacan siiya hawlaha ciidamada midawga Africa ka wadaan Somalia waxaana uu intaa ku daray inuu ka rajeynayo beesha caalamka inay wax kaqabato codsiga xo’hayaha guud ee JMQ.

Dhanka kale shir jaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa hadal lagu farxo ku tilmaamay warkii uuu soo saaray Banki Moon xog’hayaha guud ee Q,M

Hailemariam Dessalegn waxaa uu sheegay in dawlada Ethiopia ay diyaar u tahay inay doorkeeda ka qaadato dagalka ay DFMGS kula jirto mucaardkeeda gaar ahaan Xarakadda Al-Shabab oo si weyn uladagaalamaciidamadadawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM.

Hadalkaan ka soo baxay ururka Midawga Africa ayaa imaanaya xilli xog’hayaha guud ee Q,M uu ugu baaqay beesha caalamka inay la dagaalamaan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo Somalia ka dagaalama.

Gedo Online News Desk

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event