Hogaanka Sare Ee Al-Qaacidda Oo U Riyaaqay Midowga Al-Shabaab & X-Islaam

Somalia (GMN) – Cajal cod ah oo uu soo diray Ninka labaad ee ugu sareeya ururka Al-Qacida Dr Ayman Al-Zawahiri ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan midawga ay sameeyeen xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somalia ee Xarakatul Shababul Mujaahidiin iyo Xisbul Islam.

Wargeyska ku hadla afka Carabiga ee Sharqal Awsad oo magaalada London ka soo baxa ayaa ku waramaya in cajalada Dr Ayman hogaamiyaha labaad ee Al-Qacida oo qaddar 10 daqiiqo ah soconeysay uu kaga hadlay arrimo quseeya dhaq dhaqaayada ay Somalia ka wadaan xoogaga Islamiyiinta waxaana uu sheegay inay soo dhaweyneyaan midawga Al-Shabab iyo Xisbul Islam.

“Waxaanu ku faraxsanahay midawga ay Walaalaha Muslimiinta Somalia sameeyeen waxanaa ku tilmaameynaa tilaabo horey loo qaaday oo wanaagsan” ayuu yiri Ayman Zawahiri waxaana uu intaa ku daray in arrintaasi ay xoojineyso wax uu ku sheegay jihaadka Somalia ka socda.

Ayman waxaa uu ugu baaqay xoogaga Somalia ka dagaalama iay labo jibaaraan dagaalada ay kula jiraan dawlada KMGS iyo ciidamada Midawga Africa ka socdaa ee AMISOM oo dawlada KMGS taageera waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu u rajeynayo inay guuleystaan.

Sheekh Ayman Al-Zawahiri gudoomiye ku xigeen koowaad ee ururka Al-Qacida waxaa uu hadalkiiasa kusoo qaaday in looga baahan yahay xoogaga Somalia ka dagaalamay ee haatan isku biiray inay xoojiyaan weerarada ay dalka kaga saarayaan ciidamada AMISOM oo u sheegay inay cadaw ku yihiin dadka Muslimiinta ah.

Hadalkaan kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qacida ayaa imaanaya xilli dhawaan madaxdii iyo ciidamadii ururkii Xisbul Islam ay ku biireen Xaraakadda Mujaahidiinta Al-Shabab taasoo siyaabo kala duwan loo fasiray.

Gedo Online News Desk

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event