Saddex Ku Dhimatay Dagaalo Qaraar Oo Maanta Ka Dhacay Deg. Doolow & Luuq
GEDO ONLINE : Dagaalo kulul oo aan waxba la iskula harin, ayaa Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo is garabsanaya iyo xoogaga Xisbul Islaam ku dhexmaray Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobalka Gedo.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Saddex ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyada dagaalamay ay dagaaladasai ku dhinteen, halka Tobon kalana ay ku dhaawacmeen.
Dagaaladdii cuslaa ee ka dhacay qeybaha kala duwan ee degmooyinka Luuq iyo Doolow, ayaa sidoo kale waxaa khasaaro lixaad lihi kazoo gaaray shacab aan waxba galabsan.
Dagaalkan, ayaa daba socda dagaalo xoogan oo horey deegaanada Gobalka Gedo ugu dhexmaray dhinacyada kala taabacsan Dowladda KMG iyo kooxaha kazoo horjeeda, waxaana maalmihii ugu dambeeyey Gobalkaasi gedo laga soo sheegayey dhaqdhaqaaq ciidan kuwii ugu cuslaa.
Xaaladda degmooyinka lagu dagaalamay ee Doolow iyo Luuq, ayaa galabnimadan degan iyadoo la maqlayo rasaas teel teel ah.
Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Gedo Online News


Fadlan dalka adinka oo aan kala aqoon wax ha ka qorina…. Doolow Gudoomiye kama aha Ahmed Bulle dagaal na kama dhicin intii laga soo bilaabo 1997 kadib. Fadlan si loogu kasloonaado wararkiina si tafatiran udiyaariya Thank you