Naadiga saxaafada Suudaan Oo Cambaareeyay xariga Idaacadaha Caabud-waaq
Khartoum-(GMN) Naadiga Saxafiyiinta Soomaalida ee Dalka Sudan ayaa cambaareeyay xariga idaacadaha Radio Cabudwaaq iyo Radio Badbaado.
Gudoomiyaha naadiga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee wadanka Sudan Ibraahim Maxamuud Axmed {azhari} iyo xubno ka tirsan naadiga oo kulan ku qaatay magaalada kahrtoum ee caasimada Sudan ayaa si kulul u canbaareeyay xariga idaacadaha Radio Cabudwaaq iyo waliba Badbaado radio oo ku yaalo magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo albaabadu ay isugu dhifteen maamulka Ahlusunnah ee deegaanadaasi ka arimiya
Idaacadahu waxay ahaayeen kuwa ay ku taxanaayeen dhageesigeeda dadka ku dhaqan magaalada Cabudwaaq iyo deegaanka ku meegaaran, waxaana illaa iyo hada aan si dhab ah loo ogeyn sababaha ay maamulka cabudwaaq ku xireen idaacadaha oo ahaa kuwo in mudo ahba ka howlgalayay deegaankaasi.
Xubanaha naadiga Saxafiyiinta Soomaliyeed ee Sudan ayaa baaq qeylo dhaan waxa uu u jeediyay maamulka ahlusunnah ee ka talinayo deegaankaasi, waxaana ay ka codsanayaan in ahlusunnah ay dib xoriyadooda u siiso idaacadaha u xiran aawadood
Ma,ahan markii ugu horeesay oo warbaahinta Soomaaliya gudaheeda ka shaqeeso is hortaag lagu sameeyo howlahoodii shaqo, iyadoo taasina ay inta badan sabab u tahay maamulada ka arimiya goobaha ay warbaahinada ku yaalaan oo iyagu isku dayay inay idaacadahaasi ka maqlaan waxyaabo raali gareenayay, taasoo ka hor imaaneesa xeerarka caalamiga ah ee saxafaada adunka
Maxamed Axmed Caaqil yare
Khartoum-Sudan


Recent Comments