Ururka JIJA Oo Cambaareeyay xariga Idaacadaha Caabud-waaq.

Johannesburg-(GMN) Ururka saxafiyiinta JIJA ayaa Si kulul u Cambaareeyay xariga loo gaystay Idaacadahaku yaalla degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Gal-gaduud ee Radio Caabud Waaq iyo radio Badbaado.
Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Jubaland Independent Journalists Association (JIJA) Mudane Cali Yaasiin Gurbe oo kusugan Dalka Sweden ayaa sheegay in maamulka Ahlusunna ee maamula Degmada Caabudqaaw ay si xadgudub ahi ku xireen Idaacadaha ku yaalla Degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Maamulka Ahlusunna ay Bilaabeen in ay Saxaafada Afka Ka xiraan Arintaasi oo aan lagu aqoon maamulaka Ahlu Suna Wal jamaaca islamarkaana ay tahay mid aad looga xumaado Xariga loogaystay Idaacadaha.

Dhanka kale Qaar kamid ah masuuliyiinta Ururka Saxafiyiinta JIJA ayaa iyaguna Cambaareeyay Xariga Idaacadaha Radio caabud waaq iyo Waliba radio Badbaado oo ay ku taxnaayeen Kumanaan ruux oo uu ku dhaqan Bartamaha iyo Hareeraha Degmada Caabud waaq.

Xubnaha cambaarayntani jeediyay oo kukala sugan Magaalooyinka Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya iyo Magaalada Johannesburg ee Dalka koofur Africa iyo dalka Maraykanka iyo waliba dalalka qaarada Eroup ayaa waxaa ay sheegeen in maamulka Ahlu Sunna aysan ku Fududaan Arimaha Idaacadaha oo ah isha kaliya ee ay umadu ku taxantahay.

waxayna intaasi ku Dareen in Maamulak ay ka codsanayaan in si Shuruud la’aan ahi lagu siidaayo Idaacadahaasi sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay hawada ugu soo laabtaan.

Masuuliyiinta Cambaarayntani Jeediyay ayaa waxaa ka mid ah Axmed Xiireey Jalwa oo ah Masuul u ololeeya Saxaafada Dalka Norway ayaa waxaa uu sheegay xilli uu la soo xariiray Gedoonline in ay tahay rintani mid laga noxo ayna ku fududaadeen Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca Ee Degmada Caabud-waaq.

si kastaba ha ahaatee Bahda Saxaafada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga Xumaaday Xiritaanka Idaacadahani oo ah kuwo hormuud u ah Bulshada Degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud.
Max’ed Yuusuf Adan
Johannesburg-South Africa

Maxamedamiin4@hotmail.com

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event