Ururka SOMJA Oo Cambaareeyay Xariga Idaacadaha Caabudwaaq.
Nairobi(GMN) Ururka warbaahinta casriga iyo saxafiyiinta Soomaaliya ee SOMJA ayaa canbaaraynaya xiritaanka ay xireen Maamulka Ahlu-Sunna Waljameeca ee degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud Idaacadaha Madaxbanaan ee Radio Caabudwaaq iyo Radio Badbaado oo ku yaallay degmada Caabudwaaq.
“Idaacaduhu waa indhaha bulshada mana haboona in la xiro bilaa ogaysiin la’aan maamulkooda wax yabaha lagu dhaliilayo ee waa in ay maamulka Ahlu-Sunna Waljameeca tixgaliyaan xoriyada saxaafada iyo xuquuqda saxaafada, taas oo ah mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana si sharaf leh uga codsanaynaa Ahlu-Sunna Waljameeca in ay u ogolaadaan Idacadaasi in ay howlahooda sii wataan.” sidaasi waxaa hadalkiisa ku daray Xoghayaha guud ee Ururka Somali online Media and Journalist Association (SOMJA) Mohamed Ali Abdi (Royter).
Xariga Idaacadahan ayaa imanaya iyada oo ay hore maamulka Ahlu-Sunna warbaahinta gobolka Galguduud gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan kusoo rogay amaro ay kamid yihin in aysan baahin karin warar ku saabsan maamulka Ximin iyo Xeeb,maamulkii dhowaan looga dhawaaqay dalka Kenya ee bartamaha Soomaaliya iyo in aan la oran karin Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab.
Maareeye Dhamac Faarax
Nairobi Kenya
Email: dhamac@adhicadeeyenews.com
Tell: +2547 2674 6126


Recent Comments