UNHCR Oo Ka Walaacsan Barakacayaasha
Somalia (GMN) – Hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa walaac xoogan ka muujisay dadka ka barakacaya gudaha dalka Soomaaliya ee sababay dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka taagan dalka, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Hay’adda.
Afhayeen u hadlay had’adda Q.midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR Andrej Mahecic ayaa sheegay in dagaalada labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee muqdisho ay ku nafwaayeen lixdan ruux halka in ka badan 50-kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana uu intaa ku daray in dad lagu qiyasay 14-kun ay ku barakaceen gudaha dalka Soomaaliya.
Mr Andrej Mahecic waxaa kaloo uu sheegay in hay’addu ay ka walaacsantahay xaaladda nololeed ay ku suganyihiin dadka ku barakacay gudaha dalka, kuwaasi oo ka cararay dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee ay shcabka ku hayaan maleeshiyaadka diidan qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay shacabka ku qasbeen in ay guryahooda ka cararaan bishaan oo kaliya 17,000 oo ruux.
Afhayeenka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxa uu ka dhawaajiyey in dad fara badan ay ku daadsanyihiin daafaha caasimada Soomaliya ee muqdihso, kuwaasi oo uu sheegay in ay u baahanyihiin gar gaar aadanimo islamarkaana aan hay’aduhu awoodin xiligan in ay gurmad u fidiyaan dadkasi ku dhibaateysan daafaha magaalada Muqdisho.
Mr Andrej Mahecic ayaa tilmaamay in dad lagu qiyaasay 1.4 milyan ay ku barakaceen gudaha dalka halka in ka badan 580,000 ay ku nool yihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo xiligan u baahan gar gaar beni’aaddanimo oo si deg deg ah loola soo gaaro.
C/risaaq C/laahi


Recent Comments