Baarlamanka Oo Dooranaya Gudoomiye

Mogadishu (GMN) – Xildhibaanada Baarlamanka KMG ee Somalia, ayaa saacadaha soo socda dooranaya Gudoomiye rasmi ah oo uu yeesho Golaha Baralamanka, ka dib markii uu meesha ka baxay Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Waxaa si aad ah loo adkeeyey Xarunta Golaha Shacabka, oo shirka Baralamanka uu ka furmayo waqti yar ka dib, halkaasi oo ay haatan kusii qulqulayaan xubnihii ugu badnaa ee Baarlamanka, si ay u doortaan Gudoomiyihii bedeli lahaa Sheikh aadan madoobe.

Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn musharixiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamanka oo iyaguna dhankooda wad ololahooda ay ku doonayaan in xildhibaanada baarlamanka ay ugu codeeyaan si uu midba midkiisa kale ugu guuleysto doorashada dhaceysa waqti yar ka dib.

Maalintii shalay ayey aheyd markii kulan uu yeeshay baarlamanka loogaga dhageystay warbixinadooda xunaha u sharaxan booska gudoomiye nimo ee baarlamana, iyadoo ay xusid mudan tahay in xubnaha Baarlamanku ay ku oriyeen Shariif Xasan oo ah ninka sida weyn loo hadalhayo inuu xilkaasi qabto.

Dowladda aan awooda badan laheyn ee Somalia, ayaa waxaa waayadan dambe si weyn u hareeyey khilaafkii ugu badnaa ee abid soo mara, ka dib markii lagu murmay in Xukuumadda uu madaxda ka yahay Dr. Cumar C/rashiid Sharma’arke uu xi;ka ka dhamaaday, balse taasi bedelkeeda uu booska baneeyey Gudoomiyihii Baarlamanka ee u ololaynayey in Xukuumadda la rido, islamarkaana uu ku gacanseyray Madaxweyne Shariif.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event